KHEYRE: Waan hubaa oo su’aali kama taagna ineysan hal mid dhici doonin + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Kheyre oo hadda kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa si adag uga hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo is-mari-waaga doorashada oo meel xasaasiya mareysa.

Xasan Cali Kheyre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidanka Soomaaliyeed ku kala qeybsanaadaan damaca madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kadib markii maanta xilka laga qaaday taliyaha qeybta guud ee gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Saadaq John ayaa is-hortaagay kulankii maanta ee baarlamaanka, kaasi oo loo balansanaa inuu qabsoomo 9:00 subaxnimo, wuxuuna ku eedeyay golaha inuu muddo kororsi aan sharci aheyn u sameynayo Farmaajo, taasi oo uu wiiqeysa wada-hadaladii toddobaadyadii u dambeeyay ka socday teendhada Afisyooni.

“Waxaan ka dignay in aan la imaan meesha maanta la taaganahay oo ah in dalku god kusii dhaco, oo ka mas’uul yahay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, mar hore ayaa sheegnay in fikirka muddo kordhinta ama ciidan isticmaalida, ayada oo aan sharci aheyn inay dalkaan dib u dhac weyn u keenayso,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Sidoo kale waxa uu madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ku eedeyay inuu markasta fashiliyo wada-hadallada doorashada, kaasi oo ay u dambeysay wada-hadalkii teendhada Afisyooni oo dowladda federaalka ay shaacisay inuu guul-daro kusoo dhamaaday, ayada oo eedeynta u weyna dusha u saartay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

“Dariiqa uu Farmaajo dalka ku wado, god ayuu ku wadaa, waa in aan hadda kasii digna taariikh ayaa is-qoreysa oo maanta is-fasireysa.”

“Waan hubaa oo su´aali kama taagna ineysan dhici doonin in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday uusan sharci daro iyo qori caaradii xukunka kusii heysan karin. Su´aasha taaganni waxey tahay, ilaa intee le´eg ayuu dib noo celin karaa ama horumarkii aan sameynay naga burburin karaa,” ayuu yiri.

Xaalada dalka ayaa mareysa meel xasaasiya, kadib tallaabooyinkii u dambeeyay ee dowladda waqtigeedu dhamaaday ay qaaday, taasi oo meesha ka saartay in is-faham guud laga gaaro shirweynaha doorashada oo ay dadaal badan ku bixisay beesha caalamka, lamana oga halka ay wax sal dhigan doonaan.