Wasiir Oomaar oo iska diiday xilka cusub ee shalay loo magacaabay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar oo maalin ka hor laga qaaday xilkaas, ayaa iska diiday xil kale oo loo magacaabay.

Wasiir Oomaar ayaa shalay wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Rooble loogu wareejiyey wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, balse qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook-ga ayuu hadda ku sheegay in uusan diyaar u aheyn qabashada xilkaas.

Waxa uu sheegay in go’aanka uu isaga diiday qabashada xilka wasaaraddaas uusan la xariirin siyaasad oo ay ku kalifeen arrimo u gaar ah, isagoo si cad u sheegay inuu weli taageersan yahay siyaasadda madaxweyne Farmaajo ee Nabad iyo Nolol.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiir Oomaar

Waxaa sharaf ii ah in shalay oo ay taariikhdu  ahayn April 11 2021 la Ii magacaabay wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada.  Wasaaraddan oo aad muhim u ah waxay u baahan tahay Wasiir dardar geliyo howlaha baaxadda leh ee Ka socoda wasaaradda.

Anigoo Jecel inaan u shaqeeyo waddankayga hooyo, suuragal iima aha xilligan inaan qabto shaqada muhimka ah ee la ii magacaabay. Sidaa aawgeed waxaan Ka cudur daaranayaa qabashada xilkaa muhiimka ah. Duruufo qoys iyo kuwo shakhsiyadeed ayaan ii saamaxaynin inaan hawshaa galiyo tamarta, wakhtiga iyo firfircoonida ay u baahan tahay masuuliyaddan baaxadda weyn.

Waxan uga mahadnaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaaraha fursadda qaaliga ah ee ay ii siiyeen inaan u adeego inta tabartayda ah waddanka iyo shacabka Somaliyeed.

Muddadii aan xilka u hayay ummadda Soomaaliyeed waxaa suura gal ah in uu khalad iga dhacay, ma khaldame waa Ilaah. Waxaan ummadda Soomaaliyeed ka codsanayaa in ay iga cafiyaan khaladaadka laga yaaba inuu iga dhacay.

NB: Go’aankani ma aha mid siyaasadeed ee waa mid shakhsi. Waxaan mar walba ahay garabka Madaxweyne Farmaajo (N&N).

Wabillahi tawfiiq