Puntland iyo Jubaland oo qoraallo kooban kasoo saaray muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraallo kooban oo kasoo kala baxay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa looga fal-celiyey go’aankii muddo kororsiga ahaa ee xildhibaanada Goalah Shacabka ay maanta ku dhaqaaqeen.

Ugu horeyn qoraal lagu daabacay twitterka madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in tallaabadii uu maanta qaatay baarlamanka mudo xileedkiisu dhamaaday ay dib u celineyso dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

“Dowlada Jubaland waxay cadaynaysaa wixii maanta ka dhacay Golaha Shacabka ee muddo xileedkiisu dhamaaday inaysan wax sharci ah ku dhisnayn. Arrinkan wuxuu dib u celinayaa hannaanka geeddi socodka dib u dhiska dowladnimada dalka,” ayaa lagu yiri qoralka Jubaland.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in Puntland ay aad uga xuntahay tallaabadii ay maanta qaadeen xildhibaanada golaha shacabka, taas oo uu ku tilmaamay sharci darro.

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay ka xuntahay tillaabadii sharci darrada ahayd ee Aqal hoose ee Baarlamaanka muddo xileedkiisu dhammaaday maantay qaaday. Dowladda Puntland dib ayey Ummadda Soomaaliyeed kala soo wadaageysaa mowqifkeeda ku aadan dhacdadii maantay,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in labadan maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ay haatan ku howlan yihiin soo saaridda qoraal ay si wadajir ah ugu cadeynayaan mowqifkooda ku aadan tallaabadi ay maanta xildhibaanadu qaadeen iyo qorshaha socda.

Madaxda labadaan maamul goboleed ayaa isku mowqif ka ah xiisadda siyaasadeed ee dalka, halka madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka iyo madaxda maamullada kale ay is xulufeysteen.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ansixiyey sharci uu hor keenay guddoomiye Mursal, kaas oo horseedaya laba sano oo mudo kororsi ah, kadibna la aadayo doorasho qof iyo cod ah oo uu qabanayo guddigii doorashooyinka ee Xaliimo Yarey ay hoggaamineysay.