”Kheyre waxaan ugu bishaareynayaa inaan ku celin doono Wasiirada leysku indha sarcaadinaayo”

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Idiris Dhakhtar oo kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa mar kale ka hadlay magacaabida Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Xildhibaan Idiris ayaa sheegay inaan Golaha Wasiirada lagu soo xulin Cadaalad, Sinaan, Aqoon iyo Karti, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Ra’isul wasaare Kheyre ay kusoo celin doonaan Golaha uu magacaabay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Golahaasi aysan Xildhibaanada meelmarin doonin, waxa uuna ballanqaaday inay ku noqon doonaan caqabad lama gudbaan ah.

”Waan usii sheegayaa Ra’isul wasaaraha in Golihiisa aysan meelmarin doonin anagu Wasiiro uma naqaan kuwo lagu soo xulay karti la’aan, aqoon la’aan iyo Khibrad la’aan”

”Dadka uu ahmiyada siiyay Kheyre iyaga ha meelmariyaan Wasiirada anagu wey naga go’an tahay inaan dib ugu celino Wasiirada la horkeeni doono Xildhibaanada”

Xildhibaan Idiris Dhakhtar, ayaa sidoo kale sheegay in Xildhibaanada BFS ay laba jibaari doonaan la xisaabtanka Golaha Wasiirada waxa uuna mar kale ku celiyay in Wasiirada cusub aysan gudbi doonin.

Dhinaca kale, Xildhibaanka ayaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ugu baaqay inuu la imaado shax ay aqbali karaan Xildhibaanada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com