Wasiirada uu Kheyre magacaabay oo hal caqabad kula kulmay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in xubnaha Xukuumada cusub ee Somalia ay la dhaqaaqi la’ yihiin gaadiid la’aan kasoo foodsaartay dhanka DFS.

Wasiirada cusub qaarkooda ayaa la sheegay inaanu heysan wax gaadiid ah, halka qaarna ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin dhowr maalin, kadib markii ay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ahaayen kuw ku noolaa dalka dibadiisa.

Seddex meelood labada meel iyo bar Wasiirada Xukuumada Kheyre ayaa deegaan ku ah Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa inaanu wali ka dhex bixin hoteelka tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Gaadiidka loogu tallo galay Wasiirada ayaa waxaa wali heysta Wasiiradii hore ee aan xilka wareejin, halka gaadiidka kale ay yihiin kuwo xareysan oo aan wali la isticmaalin.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Xasan Kheyre ayaa inta badan Wasiirada kula kulma Hoteelka Jazeera oo ay ka degan yihiin magaalada Muqdisho bacdamaa aysan heysan wax gaadiid ah.

Dalka Somalia ayaa waxaa daashaday sharci darro waana dalka keliya ee Mas’uuliyiin loo magacaabo xilal iyagoo aan loo dajin qorsho ka hor inta aysan xilalka la wareegin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com