28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Kheyre: Wixii maanta dhacay waa dayac, mas’uuliyad darro iyo qorsho xumo dowladeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo si adag uga hadlay dagaalkii maanta ka dhacay Maxaas ayaa dowladda ku eedeeyay mas’uuliyad darro iyo inay gabtay kaalinteedii.

Kheyre ayaa ugu horeyntii waxa uu ka tacsiyeeyay geerida halyeeyadii Macawiisleyda beesha Xawaadle ee ku baxay dagaalkii maanta ka dhacay Maxaas. “Waxaan Alle ka baryayaa in uu jannada ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday dagaalka, una boogadhayo kuwii ku dhaawacmay,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo saaray caawa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in maanta wixii dhacay ay aheyd dayac, masuuliyad-darro iyo qorsho xumo dowladeed, kaas oo horseeday in kooxda Al-Shabaab ay gacanta ku dhigto degmada Maxaas oo 12-kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay gacanta dowladda.

“Waxaana ayaandarro ah in ay dowladdu macawiisleyda ku fiirsatay dagaalka oo ay ku kaliyoobeen la-dagaallanka argagaxisada, ayuu yiri Kheyre, isagoo dhanka kale bogaadiyay Macawiisleyda Xawaadle ee naftooda u huraya in ay dadkooda iyo deegaannadooda ka difaacaan kooxda Al-Shabaab.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaana madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabeelle, iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in deg-deg loogu gurmado, si wadajir ahna dalka looga xoreeyo argagaxisada.”

Kooxda Al-Shabaab ayey maanta u suurtagashay inay la wareegto gacan ku haynta degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay

Dagaalka oo xoogganaa ayaa ka dhacay banaanka kore ee magaalada, gaar ahaan xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabelle, wuxuuna kadib kusii fiday qaybaha kale ee degmadaasi.

Intaas kadib, Xubnihii ugu badnaa ee kooxda ayaa xoogga soo saaray Maxaas, iyagoo adeegsanaya qaraxyo culus iyo ismiidaamin, taas oo markii dambe u suurta-galisay inay gudaha u galaan magaalada.

Hoos ka aqriso qoraalka Kheyre oo dhameystiran:

Waxaan qoysaskooda, shacabka gobolka Hiiraan, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida halyeeyadii macawiisleyda beesha Xawaadle ee ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay degmada Maxaas.

Waxaan Alle ka baryayaa in uu jannada ka waraabiyo geesiyaashii ku shahiiday dagaalka, una boogadhayo kuwii ku dhaawacmay.

Waa dayac, masuuliyad-darro, iyo qorsho-xumo dowladeed in ay argagaxisadu maanta gacanta ku dhigaan degmada Maxaas oo 12-kii sano ee la soo dhaafay ku jirtay gacanta dowladda.

Waxaana ayaandarro ah in ay dowladdu macawiisleyda ku fiirsatay dagaalka oo ay ku kaliyoobeen la-dagaallanka argagaxisada.

Waxaan bogaadinayaa halyeeyada macawiisleyda beesha Xawaadle oo naftooda u huray in ay dadkooda iyo deegaannadooda ka difaacaan argagaxisada arxanka daran.

Waxaana madaxda Dowladda Federaalka, Hirshabeelle, iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in degdeg loogu gurmado, si wadajir ahna dalka looga xoreeyo argagaxisada ku soo duushay diinta, dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News