Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeele ayaa sheegaya in la joojiyay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee ka socotay magaaladaasi.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in amarka lagu joojiyay doorashada maamulka HirShabeele laga bixiyay magaalada Muqdisho oo ay soo saareen gudiga doorashooyinka Heer Federaal.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf cusub uu soo kala dhex galay madaxweynaha HirShabeele iyo gudoomiyaha doorashada ee maamulka HirShabeele.
Kursigan oo ay ku tartami lahaayeen laba haween oo kala ah Mina Xasan Shibis iyo Bakiin Maaxi Macalin ayaa la sheegay inuu u baaqday arrin ku saabsan ergada oo kala qeybsantay.
Musharaxa Bakiim Maaxi ayaa la sheegay in ergada taageersan ay diideen
Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa soo farageliyay arrintan, waxayna kulamo kala duwan la yeesheen labada musharax iyo Guddiyada Doorashada, iyadoo aan la shaacin wixii kasoo baxay.
Bakiin Maaxi Macalin ayaa diiday inay doorashada maanta ka qeyb gasho iyadoo Guddiga Doorashada ku eedeysany inay faragelin ku hayaan ergada.
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

