24.3 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Xog: Mustaf Dhuxulow oo ku biiray isbaheysiga Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) -Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya ayaa ku biiray isbaheysiga Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Mustaf Dhuxulow oo ay saaxiibo dhow ahaayen Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iminka dhanka Shariif Xassan aaday, kadib markii uu ballanqaad ka helay Shariif Xasan oo ah Musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.

Mustaf waxa uu iminka Magaalada Muqdisho ka wadaa ololaha Shariif Xassan Sheekh Aadan, waxaana jira warar sheegaya Mustaf Dhuxulow uu yahay musharax u taagan qabashada Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somalia, si Shariif Xasan ay ugu rumowdo Musharaxnimadiisa Madaxweyne.

Haddii Hawiye ay qaataan xilka guddoomiyaha baarlamanka waxay taas u ogolaaneysaa in Shariif Xasan iyo beeshiisa helaan madaxweyne ama ra’iisul wasaare.

Shariif Xasan ayaa sidoo kale wata musharaxiin Daarood ah oo la dheelaya qorshan.

Xildhibaanada saaxiibada la ahaa Xasan Sheekh ayaa u badanaaya dhanka Shariif Xasan, maadaama Shariifka uu irid waliba ku furaayo dhaqaale culus iyo ballanqaadyo siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News