Dhuusomareeb(Caasimada Online) – Khilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Ahlusunna kadib markii ay isku fahmi waayen qeybsiga Wasiiro la sheegay in loo sameynaayo maamulka.
Khilaafka xoogiisa ayaa yimid kadib markii Madaxweyne ku-xigeenka Ahlusunna Saadaq Sheekh Yuusuf iyo Taliyaha Ciidamada Ahlusunna Macalin Mascuud ay isku qabsadeen Wasiirka Amniga iyo Arrimaha Gudaha.
Madaxweyne ku-xigeenka Ahlusunna Saadaq Sheekh Yuusuf, ayaa diiday in Xilkaasi loo magacaabo Taliyaha Ciidamada Ahlusunna, waxa uuna ka biya diiday in xilkaasi la geeyo meel kale.
Saadaq Sheekh Yuusuf, waxa uu ku dooday in Wasiirada Ahlusunna ee la magacaabayo ka helaan Kuraas tayo leh, haddii la waayana ay ka hor imaandoonaan magacaabida.
Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay la kala safteen Labada Masuul, iyadoo Xiisadaasi laga dareemayo Magaalada Dhuusamareeb.
Xaalada magaalada Dhuusamareeb ayaa iminka ah mid kacsan waxaana laga cabsiqabaa in halkaasi uu ka dhaco iska hor imaad.

