31.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xog: Maxaa horseeday fashilkii xubnaha madasha ka raacay isku daygooda?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaranka ayaa lagu eedeeyay inay wadaan dadaal ay Dastuurka dalka uga saarayaan qodobka 72aad si kuraas loogu kordhiyo Aqalka Sare.

Hogaamiyayaasha ayaa go’aankaasi ku gaaray shirka maalmo un ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ujeedka laalida qodobkaasi lagu sheegay kordhinta Aqalka Sare.

Hogaamiyayaasha ay isla gartay laalida qodobkaasi kadib markii Puntland ay is hortaagtay cadadka dheeriga ah ee Aqalka Sare laga siiyay Somaliland.

Laalida qodobkaasi ayaa sahlaaya in Dowlada Somalia loo ogolaado in tirro kordhin ay ku sameyso Kuraasta beelaha ee Aqalka Sare.

Hogaamiyayaasha ayaa qalinka ku duugay in gabi ahaan la laalo qodobkaasi, inkastoo beesha caalamka ay si cad isku hortaagtay qorshahaasi kadib markii laga warhelay.

Beesha Caalamka ayaa ilaalinta qodobka 72aad dartii Madasha uga dhex sameysatay xubno la socda dhaqdhaqaaqa Hogaamiyayaasha si aan loo il-duufin qodobada caqabada ku ah ee ku jira Dastuurka KMG uu dalka leeyahay.

Hogaamiyayaasha Madasha oo siyaabo kala duwan wax looga weydiiyay Heshiiskooda ku aadan laalida qodobka 72aad, ayaa beeniyay, waxa ayna tilmaameen inaysan ka suuroobin ka talaabida qodobada ku qeexan Dastuurka dalka.

Hogaamiyayaasha talaabadaasi beeniyay ayaa waxaa kamid ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan oo madashaqa qaranka ka tirsan ahna madaxweynaha Koofur-galbeed.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in marnaba Hogaamiyayaasha aysan ka suuroobin in xiligaani ay bedelaan qodobada ku qoran Dastuurka, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inay u hogaansan yihiin Dastuurka.

Kordhinta tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo Madashu qaadatay ayaa noqotay qodob halis weyn ku keenay Madasha, kaasoo si toos uga hor imaanayay qodob ka mida Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madasha oo qoraaladeeda oo is daba joog noqdeen qaarkoodna is burrinayaan ayaa haddana ka daba tagtay go’aankeedii hore, waxayna arrinta kordhinta xubnaha Aqalka Sare dib ugu dhigtay kadib Doorashada Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladaha Mareykanka, Britain, Imaaraadka, Ethiopia, Turkiga iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa dadaal ugu jira sida loo hor istaagi lahaa isdabamarinta ay Hogaamiyayaasha ku hayaan qodobada muqadaska ah ee ku jira Dastuurka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News