Khilaaf ka taagan maamulka G/Banaadir kadib tallaabo uu qaaday Madaale – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu ka taagan yahay halkaasi, wuxuuna salka ku haya cidda noqoneysa ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa u baxay safar dibadeed, tan iyo markaas waxaa soo ifbaxay khilaafka ka taagan xilka ku-simaha, kaasi oo uu Madaale u dhiibay ku-xigeenkiisa dhinaca Amniga Maxamed Yabooh.

Tallaabada uu qaaday Madaale ayaa xagudub ku ah awood qeybsiga uu ku dhisan yahay maamulka gobolka iyo magacaabista madaxweyne Xasan Sheekh, sababtoo ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee maamulka gobolka waa ku-xigeenka maaliyadda oo ah Ciise Guure.

Hase yeeshee, Madaale ayaa wararku sheegayaan inuu dagaal shaqsi ah oo aan la ogeyn halka uu salka ku hayo uu ku hayo Ciise Guure.

Guddoomiye Yuusuf Madaale ayaa qoray inta uusan dalka ka dhoofin Isniintii warqad uu ku cadeynayo in Maxamed Axmed Diiriye Yabooh u magacaabay ku-simaha guddoomiyaha, taasi oo ay aragtay Caasimada Online oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay.

Warqada uu guddoomiye Madaale 13-kii bishaan ku-simaha ugu magacaabay Maxamed Yabooh ayaa waxa lagu sheegay in go’aankan ay la og-yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo wasiir Axmed Fiqi oo ah wasiirka arrimaha gudaha, balse xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in warqaddaas ay isaga ku gaar tahay.

Xogta la helay ayaa sidoo kale waxay sheegaysa in guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale uu saaxiib la yahay ku-xigeenkiisa amniga, taasi oo keentay inuu ka dhigto ku-sime inta uu dalka ka maqan yahay, sharcigana ka tallaabsado.

Waxa kale oo soo baxeysa in muddooyinkii dambe uu aad u xumaa xiriirka guddoomiye Yuusuf Madaale kala dhaxeeya saddexda guddoomiye ku-xigeen ee kale, waxayna xiligaan si mideysan uga soo horjeedan tallaabadan uu Madaale ku-sime uga dhigtay ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasadda.

Si kastaba, khilaafka inta badana ka dhasha ku-simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa muddo dheer soo taxnaa, waxaana inta badan sabab looga dhiga rabitaanka guddoomiyaha markaas xilka haya.