SOMALILAND oo sheegasho kale oo yaab leh kasoo saartay DAGAALKA Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka milatariga Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taanioo la hadlay warbaahinta ayaa sheegasho yaableh kasoo saaray dagaal culus ee weli ka socda Laascaanood, kaas oo galay todobaadkii saddexaad.

Generaal Nuux Ismaaciil Taani ayaa shaaca ka qaaday in Laascaanood ay kula dagaalamayaan kooxda Al-Shabaab iyo Puntland, sida uu hadalka u dhigay,.

“Al-Shabaab baa joogta Laascaanood oo ku dagaalameysam waxaa ka dagaalamaya Puntland iyo kuwa kale oo Koofur kasoo baxsaday,” ayuu yiri Nuux Ismaaciil Taani.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii aan laga hortagin duulaan uu sheegay in lagu soo qaaday Laascaanood ay halis noqoneys Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya.

“Halkan haddii aan Shabaab laga sifeyn, Itoobiya, Jabuuti iyo Somaliland khatar-bey ku tahay,” ayuu markale markale yiri taliyaha ciidamada milatariga Somaliland.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Somaliland ay difaaceyso nabad-gelyada Geeska Afrika, ayna diidan tahay in wax uu ugu yeeray agagixiso ay saldhiga ka dhigato halkaasi.

“Annaga waxaan difaaceynaa nabad-gelyada Geeska Afrika oo waxaan la dagaalameynaa in nimankan ay saldhig ka dhigtaan hadalkan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay taliyuhu.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh oo soo gaaray guud ahaan magaalada.

Waxaa sidoo kale ka barakacay magaalada inta badan qoysaskii daganaan, kuwaas oo kor u dhaafaya kumanaan kun, sida ay shaaca ka qaaday Qaramada Midoobay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada magaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.