Khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan W/Batroolka iyo 6 mas’uul oo halmar laga eryey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxayo khilaaf xooggan oo ka dhex taagan Waaxda Batoolka ee Xukuumadda uu Ra’isul Wasaaraha ka yahay Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu tallaabo yaab leh qaaday Wasiirka Wasaaradaas Cabdirashiid Axmed Maxamed.

Khilaafkaan ayaa soo bilowday kadib markii Wasiir Cabdirashiid Axmed Maxamed uu halmar wasaaradda ka eryey lix mas’uul oo wsaaradda ka tirsanaa, ayada oo qaar ka mid ah lagu eryey warqad kasoo baxday ra’iisul wasaare Rooble.

Caasimada Online ayaa waxaa u suurta gashay inay hesho magacyada Mas’uuliyiinta uu Wasiirka ka eryey Wasaaradda, waxayna kala yihiin:

1- Xoghayihii joogtada Wasaaradda batroolka, Jamaal Qaasim Mursal.
2- Agaasimaha guud ee Wasaarada Batroolka, , Karar Shukri Doomey
3- Madaxa nidaaminta wasaaradda, Dr. Cabdullaahi Xayday
4- Madaxa farsamadda Wasaaradda, Cabdiqaadir Abiikar
5- Madaxa Waaxda sharciyadda Wasaaradda, Abukaate Tahiil
6- Agaasimaha hay’adda batroolka, Ibraahim Cali Xuseen.

Agaasimaha hay’adda ayaa isaga si gaar ah wuxuu xilka ugu waayey go’aan kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble, waxaana lagu beddelay Caasha Cusmaan Axmed, oo la sheegay inay ilmo-adeer yihiiin taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

Wasiirka iyo Mas’uuliyiinta laga eryey Wasaaradda ayaa waxay xogta sheegeysaa inay isku qabteen cidda soo galeysa heshiisyadda bixinta ruqsadaha baarista, sahminta iyo soo saarida shidaalka.

Mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ayaa waxay ku doodayaan in hay’adda batroolka ay u madax-banaaneyd qabashada shaqadaan balse wasiirka uu faragelin ku hayey sanadihii dambe taasoo keentay inuu ugu dambeyn qaado tallaabadaan oo lagu tilmaamay mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in lagu xaliyo khilaafkaan taagan, waxaana dhawaan la filayaa inuu kulan dhex maro Guddiga kheyraadka Golaha Shacabka iyo wasiir Cabdirashiid, waxaana laga wada hadli doonaa sababta keentay khilaafkaan iyo sida looga gudbi karo.