Khilaaf xoogan oo ka taagan gudiga dorashada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in khilaaf cusub uu ka taagan yahay guddiga doorashooyinka ee maamulka Somaliland.

Khilaafka oo ah mid xoogan ayaa ka dhashay kala shaandheynta guddigaasi, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Maadaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay jirto warqad uu qoray xisbiga mucaaradka, islamarkaana uu u gudbiyey Golaha Wakiilada Somaliland.

Biixi ayaa sheegay kala shaandheynta xubnaha guddiga doorashada ay xaq u leeyihiin Golaha Wakiilada Somaliland, muhiimna ay tahay in looga dambeeyo, si ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudane Baashe Maxamed faarax oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in goluhu ay awood sharci u leeyihiin inay kala shaandheeyaan xubnaha gudidda doorashooyinka Qaranka, kadibna ay cod u qaadaan, marka uu Madaxweynaha u soo gudbiyo liiska xubnaha guddigaasi.

Guddiga doorashooyinka cusub ee Somaliland ayaa ka kooban ilaa 7 QOF, kuwaas oo kala ah 2 ka timid Golaha Guurtida, min hal xubin oo labada xisbi ee mucaaradka iyo madaxweynaha oo 3 xubin ah.

Lama oga halka uu ku furan doono khilaafkan cusub ee salka ku haya dhismaha guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka dhashay cabasho ka timid dhinaca mucaaradka ee maamulkaaisi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com