Madaxweyne Erdogan oo ka noqday go’aankii ka dhanka ahaa wafdiga Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Mdaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo xog hayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, wax yar ka dib markii uu warbaahinta u sheegay inuusan la kulmi doonin saraakiishaas.

Hadalkii uu sida aan ku talagalka ahayn uu u yiri madaxweyne Erdogan ee ahaa in uusan shakhsi ahaan ula kulmi doonin Mike Pence iyo Mike Pompeo marka ay tagaan magaalada Ankara ayaa ahaa hadal u muuqday “bahdil”.

Mr Erdogan oo markaas la hadlayay suxufi wareysanayay ayaa sheegay in saraakiisha ka socota Mareykanka ay la kulmi doonaan oo kaliya saraakiisha reer Turki ee ay isku darajada yihiin, halka isaguna uu la kulmi karo madaxweyne Trump oo qura.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo si dabacsan uga falceliyay hadalkaas ayaa sheegay in si kastoo ay ahaataba uu tagi doono magaalada Ankara ee caasimadda u ah Turkiga.

Hase ahaatee, xoogaa yar ka dib, agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Turkiga ayaa shaaciyay muuqaal muujinaya Mr Erdogan oo warfidiyeenka u sheegaya inuu la kulmi doono labada sarkaal ee ugu sarreysa wafdiga Mareykanka.

Sidaas awgeed, waxaa iska cad in xurguf diblomaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labada dal, balse dalabka Mareykanka xabad joojinta Suuriya ee ay saraakiisha Mareykanku la tagayaan Ankara ayaa wali kasii careysiin doona Mr Erdogan, maadaama uu horayba ugu gacan seyray arrintaas.

Isha: BBC