35 qof oo Cumra gudnayey oo ku dhintay shil baabuur

Madina (Caasimadda online) – Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in tobaneeyo qof ay dhinteen kuwa kalane ay dhaawacmeen kadib markii uu shil galay gaarigii ay la socdeen.

Ugu yaraan 35 qof muslimiin Muctamiriin ah ayaa ku dhintay shil naxdin leh oo ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Barakaysan ee Madiina Al Munawarah iyo Makka Al Mukarrama.

Afhayeen u hadlay booliska dowladda Aala Sacuud ayaa warbaahinta u sheegay in gaari bas ah oo ay la socdeen dad cimraysanaye uu ku dhacay gaari kale waxaana ka dhashay musiibo lama filaan ah.

Dadka ku dhintayn shilkan ayaa badanaa kasoo jeeda qaaradda Asia kuwaas oo doonayay in ay ucumaraystaan dhulalka barakaysan.

Dadka ku dhaawacmay shilka oo gaaraya illaa 4 ruux ayaa ladhigay isbitaalka guud ee magaalada Madiina.

Ilaa hadda lama helin magacyada iyo wadamada ay kasoo kala jeedaan dadkii ku dhintay shilka Gaari oo ahaa mid si weyn looga hadal hayo guud ahaan dalka Sacuudiga.

Maahan markii ugu horeysay oo shilal noocaan oo kale ah ay ka dhacaan dalka Sacuudiga, waxaana ugu dambeeyey midkii ay ku dhinteen muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com