Sarkaalkii maamulayey Jeel Ogaadeen oo xil sare loo magacaabay

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) ayaa xil sare u magacaabay kornayl Caysane Sheekh Maxamed oo madax ka ahaa xabsiga Jeel Ogaadeen, xiligii ismaamulkaasi uu Madaxweynaha ka ahaa, Cabdi Maxamuud Cumar.

Sarkaalkan ayaa waxaa loo magacaabay taliyaha dugsiga tababarka ee Garab Case, kadib wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cagjar.

Kornayl Caysane ayaa Intii uu madaxda ka ahaa Jeel Ogaadeen, waxaa tacadiyo xoogan loo geystay maxaabiistii ku jirtay xabsigaasi, sida ay shaacisay, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, inkastoo uu sarkaalkani iska fogeeyey eedeymahaasi.

Wuxuu sheegay in xiligii uu madaxda ka ahaa xabsiga uu u ololeyn jiray sidii wax looga qaban lahaa noolasha maxaabiista.

“Xiligii aniga la igu qoray waxay ahayd xilli qiimeyn loo qabtay asluubta iyo booliska, xaqiiqda dhabta ah aya ogaaday, kadibna waxaan u tegay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana ku iri maxaabiista waxay xaq u leedahay in la siiyo; dhar ma heystaan, cuntada kuma fino oo misaaniyadda la siiyo waa laba kun oo ruux oo kuma filna oo jeelka waxaa ku jiray shan kun oo qof.” ayuu yiri kornely Caysane.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu dhibaatooyinka ka jiray xiliigaasi xabsiga Jeel Ogaadeen uu la wadaagay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya, laanteeda Jigjiga, si wax looga qabto xaaladaha adag ee ka jiray xilligaasi xabsiga uu maamulayey.

“Aniga u tegay hay’adda xuquuqul insaanka oo ku iri dhibaatadaas ayaa halkaas ka jirta.” ayuu raaciyay.

Inta badan xubnihii la shaqeynayey Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo isaga ayaa la xiray, halka kuwa kelena ay isaga baxeen deegaanka, kadib isbedalladii xooganaa ee ka dhacay Itoobiya.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
caasimada@live.com