Khilaafka Muudeey iyo Cawad oo gaaray heerkii ugu xumaa & Cawad oo cadeeyay sababta uu u diiday warqada

Muqdisho (Caasimada Online)-Khilaaf xoogan ayaa waxa uu weli ka taagan yahay Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo gaaray heerkii ugu adkaa.

Mooshinka ayaa khilaaf hor leh ka dhex abuuray Guddoonka baarlamaanka Somalia, oo ku ficiltamaaya warqado kasoo kala baxay laba Xafiis.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo ka jawaabayey Warqad ka soo baxday gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Cabduweli Muudeey ayaa cadeeyey sababta uu ku diidan yahay Go’aanka Gudoomiye Muudeey.

Mahad Cabdala Cawad, oo sababeynaaya diidmada qoraalka kasoo baxay Xafiiska Muudeey ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu yahay Hay’ad gudoon leh,isla markaana Go’aan ka gaarista xiliga kulanka uusan laheyn gudoonka.

Mahad Cabdala Cawad, waxa uu tilmaamay in go’aan gaarista uu leeyahay gudiga joogtada Golaha Shacabka isla markaana uu dhigayo Xeer hoosaadka u yaalla Baarlamaanka, muhiimna tahay in loo hogaansamo sharciga.

‘’Ma suuragaleyso in nalagu cadaadiyo sharci aan aheyn kan saxda ah, howlaha uu faragishtay Muudeey waa mid u taal gudiga joogtada Golaha Shacabka’’

Guddoomiye Cawad, oo haddalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Muudeey uu ka weecday waxa uu qabo sharciga, sidaa aawgeedna la doonaayo inuu u hogaansamo qodobada dastuurka.

Mahad Cawad, waxa uu cadeeyay inaanu waxba ka jirin warqadii shalay gelinkii dambe uu soo saaray Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Muudeey taas oo uu ku iclaamiyey in 31 Maarso la qaban doono kulanka Golaha Shacabka ee codka loogu qaadayo mooshinka ka yaalla gudoomiye Jawaari.

‘’Waxaan mar kale cadeynaaya inaanu waxba ka jirin go’aanka uu qeexay Muudeey, go’aankaasi waxa uu meel mari doonaa goorta uu kasoo baxo guddiga joogtada’’

Sidoo kale, Cawad waxa uu cod dheer ku sheegay in mudada lagu jiro khilaafka aanu wanaagsaneyn in guddoonka uu dhinac ka noqdo khilaafka jira, sidaa aawgeed ay ku diideen warqada Muudeey.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa imaaneysa xili khilaafka ka dhashay Mooshinka Jawaari uu maraayo heerkii ugu xumaa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com