Wasiir Maryan oo shaacisay xiliga uu dhaqan gali doono go’aanka dalka looga eryinaayo shirkada DP World

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo ay dowlada Somalia wado qorsho dalka looga saarayo shirkadda DP World, ayaa waxaa arrintaas ka hadashay Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac.

Wasiir Maryan Aweys, ayaa sheegtay in heer gabagabo uu yahay qorshaha shirkada looga mamnuucaayo dhammaan dalka, waxa ayna tilmaantay in loo hogaansami doono sharciga.

Waxa ay Wasiiradu sheegtay inay muhiim tahay in dowladu ay ka dhabeyso go’aankeedii ahaa in shirkada DP World laga saaro dalka oo dhan.

Wasiirada oo haddalka sii wadata ayaa sheegtay in la qorsheeyay wakhtiga uu dhaqan galayo xeerkii dalka looga mamnuucay shirkada DP World, waxa ayna carab dhabtay in wixii ka danbeeya wakhtigaasi aysan DP World kasii shaqeynkarin Somalia.

Wasiirada ayaa sheegtay in dhaqan gelinta go’aankan ay ka harsantahay kaliya in baarlamaanka Soomaaliya ay u gudbiyaan Madaxweyne Farmaajo si uu saxiixo.

‘’Waxaa go’aan qaadashada nooga harsan in keliya Madaxweynaha dalka loo gudbiyo go’aanka si uu u saxiixo kadibna uu u dhaqan galo’’

‘’Dhankeena wey kasoo dhamaatay waxaan dooneynaa in si dhaqsi ah loogu gudbiyo Madaxweynaha si uu u hirgalo mowqifkeena ah inaan dalkeena ka eryino DP World’’

Waxa ay intaa ku dartay “Xeerka Dhowridda Gobonimada iyo Midnimada Gayiga Somalia ee shirkadda DP World dalka looga mamnuucay ayaa horay waxaa u ansixiyay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Golaha Shacabka iyo Aqalka sare,waxaana hadda keliya u harsan in Golaha Shacabka u gudbiyo madaxweynaha Soomaaliya si uu u ansixiyo.

Hadalka Wasiir Maryan ayaa imaanaya xili maalmihii u danbeeyay Golaha Shacabka ay ku mashquuleen mooshin laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com