Xildhibaano qeyla dhaan ka muujiyay boobka ay Kenya ku heyso Belad-Xaawo

Muqdisho (Caasimada Online)-Baarlamaanka Somalia ayaa walaac ka muujinaaya xad gudubka ay dowlada Kenya ku heyso dhulka Soomaalida ee kuyaalla xadka kala beyra labada dal.

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in dowlada Kenya ay wax ku leedahay iska qabasho, waxa ayna cadeeyen in tani ay halis cusub ku tahay Somalia.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Somalia kana soo jeeda gobalka Gedo ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xiisada iyo isku dhacyada ka taagan xaduuda Degmada Belad-Xaawo ee gobalkaasi Gedo.

Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan, ayaa sheegay in ay kulamo la qaateen Ra’isal wasaaraha xukuumada Somalia iyo Wasiirada shaqada ku leh arrimaha taagan, waxa uuna tilmaamay inay kawada hadleen hanaanka ugu sahlan ee loo wajihikaro.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Faarax Cabdi Xasan inay hayaan cadeymo muujinaaya xadgudubka iyo faragalinta ay Kenya ku heyso dhulka Somalia.

‘’Waxaan aad uga cabsi qabaa in dowladaani iyada isku mashquulsan ay na dhaafiso dhulkeena, waxaan dooneynaa in laga dhiidhiyo difaaca dhulka Soomaaliya.’’

Sidoo kale, waxa uu Xildhibaanku sheegay in dadka ku sugan goobta ay ciidamada Kenya kula dagaalamayaan dhagxaan si ay u difaacdaan dhulkooda.

Dhinaca kale, Xukuumada Somalia ayaa lagu wadaa inay qaado talaabo lagu badbaadinaayo dhulka ay Kenya ka boobeyso Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com