Qarax khasaaro kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax uu ka dhashay khasaaro kala duwan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Odweyne oo ka tirsan degmada deeyniile ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa miino,isla markaana ay ku qaraxday xaafada Odweyne ee degmada Deeyniile sida ay dadka xaafadaas xaqiijiyeen.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada Militariga ayaa ku dhintay Qaraxa miino, halka Askari kale oo isaga la socday uu soo gaaray dhaawac.

Askariga dhintay iyo midka dhaawacmay ayaa waxa ay saarnaayeen gaari yar oo ay la kacday miinada wadada dhinaceeda lagu aasay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid u muuqday in laga hagaayay meel aan sidaa uga sii fogeyn, halka uu Gaariga ku qarxay.

Maalmihii ugu danbeeysay waxaa magaalada Muqdisho kusii kordhaayay Qaraxyada iyo falalka lidiga ku ah ammaanka.

Hay’adaha amaanka ayaa sidoo kale sheegay inay ka hortagayaan falalka amni darro ee kataagan Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com