Soomaliya Iyo Kenya Oo Ka Wada Hadlaya Xiisada Ka Taagan Balad Xaawo iyo waqtiga ay kulmayaan

Baladxaawo-(Caasimadda Online)-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa guddi iska soo dhex magacaabay si ay ugu wada hadlaan Xiisadaha ka taagaan Magaalada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa shaaciyey in dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya ay dhawaan ka wada hadli doonaan xiisada ka taagan Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo si xiisadaas ay u istaagto.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Maxamed Aadan oo Shir Jaraa’id Warbaahinta u qabtay ayaa sheegay in dadaal ay sameysay dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kenya ku hakineyso dhismaah darbiga.

“Waxaan xaqiijineynaa in shirka la isugu imaan doono 27ka bisha, ka horna la joojiyey dhismihii darbiga. Waxaan rajeynaynaa in xal waara aan ka gaarno arrinkan saameynta badan ku yeeshay nolasha bulshada magaalooyinka Balad Xaawo iyo Mandera.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay isaga u wakiilatay in kulankaas uu uga qeyb galo,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed ay kulankaas ka warsugaan,uuna rajeynayo in xiisada ka taagan Balad Xaawo xal laga gaaro.

27 Bishaan oo kulanka loo balamay ayaa ku beegan Talaadada Berito ah,waxana Shacabka Soomaaliyeed ay ka warsugaayan go’aanka ka soo baxa kulankaas,iyada oo Maamulka gobolka Gedo uu sheegayo in Kenya darbigii ay dhisli laheyd ay hakisay.

Guddoomiye Maxamed ayaa ku bogaadiyey bulshada Balad Xaawo sida ay u garab istaageen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xal u helista khilaafka ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xaaladda magaalada Balad Xaawo ayaa maanta degan sida ay xaqiijiyeen dadka kudhaqan magaalada oo maalmihii u danbeyay ay ka socdeen kacdoon shacab oo lagaga soo horjeeday darbiga dowladda Kenya ka dhisayso xadka labada dal.

Caasimada Online
Xafiiska Baladxaawo
Caasimada@live.com