Sawirro: Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Shariif Xasan oo Shir Muhiim ah uga qeybgalay Muqdisho.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Magaalada Muqdisho, waxaa ka socda Shir dib uheshiisiineed oo la doonayo in Xal loogu helo Dagaaladii ku soo noqnoqday Magaalada Marka ee Gobolka Sh.Hoose.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre,Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi C/llaahi,madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan,Xildhibaano iyo Odayaal dhaqameed ka soo jeeda magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Magaalada Marka ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay aheyd xaaladeeda mid qasan oo ay hareeyeen colaado soo noq-noqday, waxaana burburay heshiisyo horay looga gaaray colaadaas.

Waxaana ujeedka ugu muhiimsan ee shirka uu yahay sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha dega degmadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii dib u heshiisiin rasmi ah loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee dagaalada kala geeyeen si nabad ay ugu wada noolaadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com