Xildhibaanada Jawaari taagersan oo Muudeey ku eedeeyay Inuu Wax Ka Wado Mooshinka iyo digniin..

Muqdisho-(Caasimadda Online)-wararka laga helayo Villa Hargeisa ayaa sheegaya in ay halkaasi kushirayaan Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.

xilibaanadaan oo isku magacaabay gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa hadda shir kuleh Villa Hargeisa ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Cabdiweli Muudeey ku eedeeyay in uu la saftay Xildhibaanada Mooshinka ka wada Gudoomiye Jawaari.

waxa ay xilibaanadaan uga digeen xukuumadda Xasan Cali Kheyre in ay joojiyaan carqaladda ay ku heyso golaha shacabka.

Xildhibaannadan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sidoo kale xukuumadda Xasan Kheyre uga digay Gudiga bad-baadada Golaha shacabka ayaa tiradooda ku sheegay in ay gaarayaan ilaa 100 Xildhibaan  iyaga oo sheegay in ay u soo baxeen badbaadinta golaha shacabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com