Xog: Khilaaf ka taagan cidda maamuleysa markab sida mucaawino oo Imaaraadka ka soo dejiyey dekada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab gargaar oo laga keenay dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo xirtay dekedda magaalada Muqdisho, si uu u gaarsiiyo 1,000 tan oo sahay cunto ah oo loogu talagalay ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa horay u amray bixinta 35 milyan oo dirham oo gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah in loo diro qoysaska ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaallada ay ku horumarinayaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Khilaaf ka taagan cidda maamuleysa

Waxaa khilaaf uu ka taagan yahay cidda maamuleysa gargaarkan bani’aadminimo ee Imaaraadka kasoo dajisay dekadda Muqdisho, wuxuuna una dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddeljka Cimilada.

Arrintan ayaa waxaa horey ugu shaqo laheyd wasaaradda Maareykanka musiibooyinka oo hadda la baabi’iyey, waxaana caddeyn cidda la wareegtay shaqadeeda.

Khilaafkan ayaa sababay in dekedda Muqdisho laga saari waayo Kunteenarro gargaar ah oo loogu talagalay dadka abaarta ka taagan dalku saameysay.

Soo saaridda iyo la wareegidda gargaarka oo ahayd in ay dhacdo Todobaadkii hore ayaa suurageli weyday kaddib muranka uu soo shaac baxay.

Ra’iisal Wasaare Xamza Cadbi Barre oo uu gaaray muranka ku saabsan maamulka gargaarka ee u dhexeeye labada Wasaaradood ayaa kuwargeliyey Wasaaradaha in midkoodna uusan tegein dekedda islamarkaana inta xal laga gaarayo gargaarku ku sii jiro Dekedda.

Wasaaradda Degaanka iyo Isbadedlka Cimilada ayaa ah Wasaarad cusub oo ka looban laamo laga soo gooyey Wasaaraddii Maareynta Musiibooyinka iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraaha.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.