DENI oo amray in la joojiyo iibinta buugaagta manhajka Dugsiyada Sare + Sababta

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amray in la joojiyo in la iibiyo buugaagta manhajka waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda, sida uu sheegay.

Madaxweyne Deni ayaa faray mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.

Amarka madaxweyne Deni ayaa kusoo aaday, iyadoo aad looga cabanayay lacag $55 oo ay wasaaradda waxbarashadu kusoo rogtay qaadashada buugaagta manhajka waxbarashada.

Cabashada waalidiinta ayaa gaartay madaxweynaha Puntland, kadib markii baraha bulshada ay kasoo muuqdeen waalidiin danyar ah oo aad uga cabanayay inaysan bixin karin lacagaha buugaagta lagu iibsanayo.

Qaylo-dhaanta ayaa kusoo aadey xilli Puntland wajahayso abaaro ba’an taas oo sababtey in ardey gaareysa 6000 wadi waayaan ama ay ka haraan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada, Cabdullaahi Axmed Xasan ayaa dhowaan sheegay inay waalidiinta ka qafiifiyeen lacagta buugaagta, isagoo sheegay in si tartiib ah uu isaga bixin karo waalidkii aan awoodin inuu buugaagta halmar iibsado.

WAREEGTADDA MADAXTOOYADDA

MADAXWEYNAHA OO AMRAY IN LA JOOJIYO IIBINTA BUUGAAGTA MANHAJKA WAXBARASHADA DUGSIYADA SARE EE PUNTLAND, INTA DIB LOO EEGAYO SI LOO SAXO KHALADAADKA JIRA HADDA.

Garoowe: 13 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Amar Madaxweyne ku joojiyay in la iibiyo buugaagta Manhajka Waxbarashada dusgiyada sare ee Puntland, inta dib loo eegayo si loo saxo khaladaadka jira hadda.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, in la fuliyo amarkan laga billaabo maanta 13 August 2022 illaa amar danbe.