Saddex arrin oo ku saabsan magacaabista ROOBOW – Muxuu ku kordhin karaa DF?

By Abdullahi Osman Farah

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, nin maalmo badan magaciisa dhexyaalay miiska go’aanka kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah kuwa lacagta la dul dhigay madaxooda, nin muddo badan u dagaalamay afkaarta dimoqraadiyad diidka ah, ayaa maanta ah magaca ugu saameynta badan 26 wasiir oo ay leedahay Soomaaliya.

Roobow wuxuu 7-dii bishaan wuxuu u dhaartay ilaalinta diinta, dalka, dadka iyo dastuurka. Maadaama uu waqti dheer diidanaa dowlad ku nool, nidaam awood qeybsi 4.5 iyo dastuur ay reer galbeedka maalgeliyaan, waxa aad loo eegayey dhaartiisa, balse dhaartii Axaddii hore kadib hadda waxaa la is waydiinayaa sida ay dowladda Soomaaliya uga faa’ideysan karto Mukhtaar Roobow iyo waxa uu ku biirin karo nidaamka cusub oo uu ku biiray.

Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur dadka yaqaana waxay sheegaan inuu waligiisba xagga nidaamka dowliga ah uga dhawaa madaxda kale ee kooxda Al-Shabaab, waana sababta ay waqti hore isku khilaafeen isaga iyo hoggaankii kooxda.

Inuu lla heshiiyey dowladda federaalka ah, inuu raadiyo xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed iyo inuu maanta qaatay wasiir intuba waxay fasirayaan inuu Mukhtaar Roobow heysto faham dowladeed oo ka dhow midka Al-Shabaab.

Wasaaradda diinta, awqaafta iyo Mukhtaar Roobow

Marxalad xasaasi ah ayuu kusoo aaday imaatinka Mukhtaar Roobow ee wasaaradaan.

Midda koowaad waa dhaqanka:

Dhaqanka Soomaalida, oo intooda badan waafaqsan diinta islaamka, ayaa waayihii dambe si weyn loo duray. Culumada Soomaalida waxay dhowr muxaadaro ku sheegeen inuu socdo dhaqan burbur ay sabab u yihiin baraha bulshada ee Internet-ka, daroogada sida weyn usoo gashay dalka iyo dhaqamada reer galbeedka oo si weyn loogu soo miin guuriyey Soomaaliya.

Wasaaradaan waxaa hor taala jiheynta dhaqanka suuban ee Soomaalida, iyadoo lala aqrinayo diinta Islaamka. Aqoonta diimeed ee Mukhtaar Roobow waxaa la aaminsan yahay inay halkaas wax badan ka goyn karto.

Wasiiro badan oo aan lagu tuhmeynin faham diimeed ayaa horey usoo maamulay wasaaradaan.

Midda labaad waa firqooyinka diimaha

Firqooyinka diimaha ayaa kusii xoogeysanaya Soomaaliya, qaarkood waa kuwa hubeysan. In shaqada wasaaradaan iyo jaangoynteeda ay firqooyinka wada aqbalaan ma ahan shaqo fudud.

Wasiir Mukhtaar Roobow wuxuu dhawaan sheegay inuu culumada oo dhan kala tashan doono tallaabooyinka uu qaadayo. Waxaa loo arkaa nin aad u og loolanka firqooyinka oo haleeli kara maareyn dhexe, halkaan waa looga faa’idi karaa.

Midda seddexaad waa dagaalka kooxda Al-Shabaab

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre labaduba waxay dhowr jeer sheegeen inay billaabayaan dagaal buuxa oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

In dagaalkaas lagu guuleysto kaliya kuma imaan karto awood ciidan, waxaa jira dad si xooggan u aaminsan in loo baahan yahay in kooxda lala galo dagaal caqiido.

Mukhtaar Roobow oo xog-ogaal u ah xaalka Al-Shabaab iyo sida ay u iibiyaan fikradooda waxaa la rumeysan yahay inuu keeni karo xeelad lagu fashiliyo habka ay Al-Shabaab u iibiso afkaarteeda.

Inuu dhab ka noqdo dagaal fikir ah oo Al-Shabaab lala galo wax badan ayey ka faa’idi kartaa dowladda Federaalka ah.

Marka qodobadaan la eego oo lagu kabo in si dhab ah loo wajaho waxaa dad badan u muuqata in dowladda federaalka ah ay ku faa’idi karto magacaabista Mukhtaar Roobow kaas oo aan dhinaca kale weli ka tanaasulin doonistiisa xukunka madaxtinimada Koonfur Galbeed.