Xeeladaha muddo kororsiga ee Muuse Biixi uu kala mid yahay Maxamed Farmaajo

By Asad Cabdullahi Mataan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.

Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa u muuqata inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto, kadibna qalalaase ka dhaliyey Muqdisho ilaa markii danbe looga adkaaday doorashadii 15 May 2022.

Waxaa marar badan natiijo la’aan ku dhammaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.

Madaxda Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada oo arrinta dhex galay ayaa gacanta ka tahay markii Muuse Biixi uu diiday inuu qaato go’aanka ay gaaraan, waxayna arrintii isu bedeshay loolan iyo qalalaase siyaasadeed oo halis ku haya maamulka iyo nabaddii Somaliland.

Sida Farmaajo uu qabashada ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ taasoo uu kusoo beegay dhammaanshaha xilligsiisa.

Arrinta furista xisbiyada oo si weyn Somaliland looga raadinaye iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi 10 sano, ayaa hadda noqotay mid Muuse Biixi u adeegsado inuu xilka kusii jeedo, wxaaana bilowday diiwaangein ururro cusub xilli doorashadii Madaxweynaha ay harsan tahay wax ka yar 3 bilood, tan xisbiyada sharciga ahna 4 bilood.

Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa ka quustay heshiis ay la galaan Muuse Biixi, waxyna bilaabeen bannaanbaxyo rabashado dhalyey oo diid ku daatay, waxana xaalada Somaliland tahay mid kacsan oo kacdoon beeleed siyaasadeysan hareeyay.

Madaxda Mucaaradka Somaliland oo ay hoggaaminayaan xisiyada Waddani iyo UCID ayaa bilaabay inay u hanjabaan Muuse Biixi, sidii Midowgii Musharixiinta ee Muqdisho, iyagoo weliba u goodinaya inay hubka qaadan doonaan.

Sida Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo saraakiishii badbaado Qaran ayey Caaqilada Beelaha Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM qaarkood warbaahinta hanjabaad u marinayaan Muuse Biixi, waxayna xiisada siyaasadda gaartay meel halis ah.

Siyaasiyiinta Muxaafidka ee Muuse Biixi raacsan iyo kuwa Mucaaradka ee xisbiyada ee Waddani iyo UCID ayaa xaaladda uga sii daraya iyagoo qaab beeleysan isu weerarraya, waxaana Beesha ugu weyn ee Mucaaradka u aragtaa in xilka Madaxweynaha ay markan xaq u leedahay oo wax badan samirtay.

Muuse Biixi wuxuu iminka marayaa inuu dhageysan waayo Isbaheysiga WADDANI iyo UCID, iskana diido wax tanaasul ah, sidii Farmajo yeelay 2022 iyo 2021, isagoo xoogga saaraya qorshaha furista xisbiyada cusub xilli kala guur ah.

Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay Guddigii Doorashada oo is wada casilay, taasina waxay xaqiijisay inaysan doorasho xiligan ka dhici karin Somaliland. Muuse Biixi wuxuu qeyb weyn ku lahaa burburka Guddigii Doorashada.

Muuse Biixi wuxuu Maxamed Farmajo kala mid noqday inuusan ogoleyn isu soo bax siyaasadeed, bannanabax kastana uu keeno in dad lagu dilo, qaarna lagu dhaawacyo, arrintan waxay dadka dib u xusuusinaysaa halgankii Farmaajo iyo Midowgii Musharixiinta dhex maray markii uu gaaray heerkii ugu sareeyay, kadibna gacan-ka-hadalka isu bedlay.

Madaxweynaha Somaliland uma muuqdo xaaladda cakiran ee maamulkiisu marayo, wuxuuna jeediyay khudbad weerar ah oo uu si gaara u beegsaday Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xeri Xaaji Cali, taasoo dad badan ka yaabisay.

Haddii aanu Muuse Biixi xaqiiqada u soo laaban, iska dhaafin hamigiisa muddo kororsiga ah ma heshiis la gaarin mucaaradka talada la leh, waxaa muuqata inuu mari doono dariiqii Farmaajo, inkastoo qalalaase iyo dagaalo ka dhaca Somaliland ay mar kasta ka hortagaan odayaasha dhaqanka degaanadaasi oo awood buuxda leh, taasoo ah rajada kaliya ee la qabo.

Xigasho: Goobjooge.net