Khilaafka u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo oo arrrin cusub ku dhaliyey Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa ka walaacsan xaaladda Soomaaliya, kadib markii afduubka Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsan hay’adda sirdoonka ee NISA, uu horseeday khilaaf xooggan oo ka dhex-qarxay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Sida uu qoray wargeyska Washington Post, saraakiisha Mareykanka ayaa hadda qaba su’aalo la xiriira heerka xasilloni-darrada Soomaaliya, iyo haddii istaraatiijiytadda Washington ee ku aadan Soomaaliya ay u baahan tahay isbeddel.

Michael McCaul, oo ka tirsan guddiga arrimaha dibedda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka, islamarkaana ah Jamhuuri laga soo doorto Texas ayaa sheegay inuu aad ula socdo khilaafka siyaasadeed Soomaaliya, uuna “aad uga walaacsan yahay halka Soomaaliya ay ku wajahan tahay.”

“Ayada oo ciidamada Mareykanka ay ka baxeen Soomaaliya, oo Al-Qacida ay dhiiri-gelin ka heshay wixii ka dhacay Afghanistan, waa dhab in Al-Shabaab ay taas maskaxda ku hayo,” ayuu yiri McCaul. 

“Weli waa halis, waxayna awoodaan inay halis geliyaan danaha Mareykanka iyo dhulka Mareykanka.”

“Nasiib darro sanado badan oo Mareykanka uu taageerayey ciidamada Soomaaliya, kuna bixiyey balaayiin dollar, taasi waxba kama baddalin xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri McCaul.

Ma cadda tallaabada xigta ee Mareykanka uu qaadi doono, balse waxaa cad in khilaafka Farmaajo iyo Rooble uu dhaawacay kalsoonidii lagu qabay dowladda federaalka.

Qoraalka Jimcihii kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo iyo Rooble inay si nabad ah u xaliyaan khilaafyadooda, ayna si buuxda diiradda u saaraan in doorashooyinka Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo ayada oo aan dib loo sii dhigin.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in doorashooyinka ay muhiim u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya.