Netanyahu oo faafiyey arrin ‘ceeb ah oo JOE BIDEN ku qabsatay’ kulankii Bennet

Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu ayaa muuqaal uu soo dhigay facebook ku sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku dhex-hurday kulan uu la lahaa ra’iisul wadsaaraha cusub ee Israel Naftali Bennet, bishii tagtay. 

Biden oo 78 jir ah ayaa xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka waxay mar kasta ku ceebeystaan inuu yahay oday xusuustiisa ay sii lumeyso, islamarkaana jirkiisa aanu laheyn adkeysi uu madaxweyne ku noqdo.

Netanyahu ayaa muuqaal uu Axaddii soo dhigay facebook, waxaa laga maqlaa oo cod baahiye uu qabtay isaga oo leh “waad ogtahay soo maaha in Bennet uu la kulmay Biden.” 

“Waxaan maqlay in Biden intii uu socday kulanka uu madaxiisa celi kari la’aa oo uu hoos u dhacayey, sida qof hurdo tacbaan la ah oo kale,” ayuu yiri Netanyahu. 

Horey ayaa waxaa baraha bulshada loogu faafiyey, muuqaal la jarjaray oo laga dhigay in Biden uu ku hurdoonayo kulanka Bennmet, hase yeeshee baaritaan ay sameysay wakaaladda wararka Reuters ayaa lagu ogaaday in muuqaalka uu ahaa been abuur.

Netanyahu ayaa waxay saaxiibo ahaayeen madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, waxaana la rumeysan yahay inuusan ku farxin guushii madaxwene Joe Biden. 

Bishii June, dowlad isbaheysi ah oo ay ku mideysan yihiin, xisbiyada garabka midig, garabka bidix, dhexda iyo kuwa carbeed ayaa Bennet loogu doortay ra’iisul wasaare, isaga oo beddelay Netanyahu kadib 12 sano oo uu ahaa ra’iisul wasaaraha ugu muddada dheer taariikhda Israel.