Dal aan la fileyn oo war kasoo saaray khilaafka ka dhex oogan Farmaajo iyo Rooble

Vietnam (Caasimada Online) – Dowladda Vietnam ayaa markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam u fadhiya Qaramada Midoobay Pham Hai Anh oo ka hadlayey kulan ay golaha ammaanka ka yeesheen xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisu ka xun-tahay xaaladaha soo kordhay ee la xiriira arrimaha Somalia.

Danjire Pham Hai Anh ayaa ugu baaqay Farmaajo iyo Rooble inay wada-hadal ku xalliyaan khilaafka dhexdooda ah, isla-markaana ay wax weliba ka horumariyaan danaha qaranka.

“Vietnam waxay ugu baaqday dhinacyada ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay xalliyaan khilaafaadka oo ay wax walba ka hormariyaan danaha qaranka si ay u xalliyaan xiisadda siyaasadeed ee taagan,” ayuu yiri ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Vietnam ee Q.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dhinacyada ku lugta leh khilaafka looga baahan-yahay inay helaan siyaabo lkale oo agu xallinayo xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya.

Pham Hai Anh ayaa sidoo kale soo jeediyey inay muhiim tahay in la dhiso kalsoonida shacabka, xooggana la saaro doorashada, si waafaqsan heshiiskii la gaaray 27 -kii May.

Ugu dambeyn wuxuu caddeeyay in Vietnam ay taageersan-thay doorka iyo tabarucaadka ururada gobolka oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo IGAD, si loo xalliyo xiisadda taagan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay cirka isku sii shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay kiiska ‘dilka’ ah ee Ikraan Tahliil Faarax.