Baarlamaanka Carabta oo soo saaray digniin la xiriirta xiisadda ka taagan Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa waxaa looga hadla xiisadda siyaasadeed ee hadda u dhexeysa madaxweynaha mkuddo xileedkiisu dhammaaday iyo sidoo kale ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta ayaa marka hore wax laga xumaado ku tilmaamay khilaafka soo kordhay ee Farmaajo iyo Rooble, maadaamo lagu jiro xilli adag oo doorasho.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Baarlamaanka uu ka digayo sii socoshada khilaafkan oo halis ku ah geeddi socodka dalka, loona baahanyahay in la helo xal deg-dega.

“Waa nasiib darro khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, waa in xal loo helaa inta aanay fidin, waxa uu halis ku yahay oo uu burburin karaa geedi-socodka dalka, tallaabada keliya ee furan waa in xal degdeg ah ay ka gaaraan Madaxda Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale bayaanka Barlamaanka Carabta ayaa shaaca looga qaaday in tallaabo kasta oo loo qaado si mas’uuliyadd darro ah inay dhaawici karto muqstaqbalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa xusay inuu diyaar u yahay inuu qeyb ka noqdo wada-hadallada dhex-dhexaadinta ah, si loo soo afjaro xiisadda taagan.

“Baarlamaanka Carabta waxa uu diyaar u yahay in uu taageero tallaabo kasta oo lagu gaari karo is-afgarad, korna loogu qaadayo amniga gudaha iyo xasiloonida, si loo gaaro himilooyinka dadka Soomaaliyeed ee ah horumarka iyo nolol wanaagsan” ayaa markale lagu yiri bayaanka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso marxalad adag oo siyaasadeed, kadib markii ay is khilaafeen madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha oo isku maan-dhaafay maareynta kiiska ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.