Cabdiwahaab Cabdisamad oo 10 maalmood kadib lasoo daayey – Yaa afduubtay?

Nairobi (Caasimada Online) – Prof. Cabdiwahaab Cabdisamad oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida dalka Kenya ayaa xalay dib u helay xoriyaddiisa kadib muddo 10 maalmood ah, oo la haystay, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.

Ninkan oo ah fallanqeeye siyaasadeed, oo wareysi siiya BBC-da iyo VOA, ayaa Arbacadii 8-da September 2021 lagu qafaashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo la waayey meel uu ku sugan yahay, tan iyo markaas.

Cabdiwahaab Cabdisamad ayaa caan ku ahaa inuu aad u taageero madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo inuu aflagaadeyn jiray cid kasta oo ra’yi ahaan kasoo horjeeda.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin cidda haysatay Cabdiwahaab, hase yeesheee xubno ku dhow ehelkiisa ayaa sheegay inay haysteen ciidamada ammaanka Kenya, gaar ahaa sirdoonka.

Prof. Cabdiwahaab ayaa diiday inuu wax faah-faahin ka bixiyo sababaha loo afduubtay, hase yeeshee waxa uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay, ayada oo laga yaabo inuu dhowaan ka hadlo wixii dhacay.

Xaaskiiska Xaliimo Maxamed ayaa horey mar ugu eedeysay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuu ku lug lahaa afduubka ninkeeda, hase yeeshee dib ayey uga laabatay hadalkaas ayada oo sheegtay in la qalday. 

Sida laga soo xigtay xubno ka mid ah qoyskiisa, eedda loo jeediyey Rooble, ayaa waxaa Xaliimo Maxamed ku cadaadiyey taageerayaasha Farmaajo, si loo sumcad dilo Rooble.