Tan iyo bishii October 25-dii, waxaa soo shaaac baxay Khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’isul-waasaaraha, oo iyagu aanu xiriirkooda wanaagsanayn dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si cad u sheegay inuu jiro Khilaaf dhinaca Aragtida oo kala dhexeeya Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Xarig-jiid Siyaasadeed iyo Gurxun xooggan ayaana ruxay Masraxa Dowladinimadda curdanka ah, waxayna Beesha Caalamka ka muujiyeen Amaakaag Siyasaadeed Khilaafka Siyaasadda ee Madaxda Soomaalida ay mar kasta ku kala irdhoobaan.
Is-eedeyn, Is-xuluafaysi, Guux Siyaasadeed iyo Mooshinno iska soo horjeeda ayaa soo if baxay, waxayna Labada Hoggaamiye iyo Mas’uuliyiinta kale ee Qaranka ka fursan waayeen inay ku milmaan Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.
Wasiiraddii xilalka laga qaaday ayaa iyagana qaarkooda qeyb ka noqday ubucda Khilaafka, halka kuwa kale ee Isku-shaandheyntu saamaysay ay dhabano-hays ka qaadeen Isbedelka Khilaafka horseeday.
Guuxa Khilaafkaasi ayaana meel kasta ku shaacay, waxayna Ergooyinka Calaamiga ee u qaabilsan Arrimaha dalka Somalia ka hadleen Khatarta ka dhalan karta Khilaafka, iyadoo Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nichola Kay si mutaxan u hadlay, kana digay inaysan Xildhibaanadda diyaarinin Mooshin ka dhan Ra’isul-wasaaraha, wuxuuna hadal qadaf u muuqday ku sheegay inay jiraan warar sheegayo inay jiraan Xildhibaano lacag loo ballanqaaday si ay Mooshinkaasi u diyaariyaan.
Hadalkiisa waxa uu yeeshay Saamayn, waxayna Xildhibaanadda u arkeen Gef aan Garowshiyo Lahayn, waxayna Nicholas Kay ugu baaqeen inuu Raalli-gelin ka bixiyo, laakiinse waa uu ka gaabsaday inuu cuddur-bixiyo, maadaama ay Xildhibaanadda qoonsadeen.
Madaxweynaha ayaa isagana ku baaqay inay Beesha Caalamka xaq-dhowraan sidii ay Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somalia u xaliyaan Khilaafkooda.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxau sababay inay Beesha Caalamka ka gaabsadaan inay ka hadlaan Khilaafka Madaxda Soomaalida, inkastoo ay ka walaacsan yihiin halka uu sal-dhigan doono Khilaafkaasi.
Toddobaadkii la soo dhaafay, xaalladda ayaa noqotay mid cirka isku sii shareertay, kadib, markii ay Xildhibaanadda Barlamaanka uu saameeyey Khilaafka, isla markaana ay Xildhibaanadda u kala jabeen kuwo kala taabcsan Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha.
Xildhibaanadda Madaxweynaha taabacsan oo tiro ahaan ka cuslaa Xildhibaanadda Ra’isul-wasaaraha ku dhinac ahaa ayaa waxay shalay sabab u noqdeen inuu baaqdo Fadhigii Mudanayaasha, kadib, markii ay codsadeen in codka Kalsoonidda loo qaado Xukuumadda Ra’isul-wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Laakiin, Guddoomiyaha Barlamaanka, Prof. Jawaari oo ah Rug Caddaa Siyaasadeed ayaa bilaabay inuu xaalladda qaboojiyo, isagoo Kulamo kala gaar-gaar ah la yeeshay Xildhibaanadda labada dhinac ee is-khilaafsanaa.
Wada-xaajoodyadda oo adkaa oo ilaa iyo Fiidkii xalay socday ayuu Guddoomiye Jawaari waxa uu tilmaamay in horumar laga gaaray Kulamadii uu labada dhinac la yeeshay, lana hakiyey Mooshinkii.
Guddoomiyaha oo Kulamadaasi kadib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in culayska la saarayo sidii Wada-tashiyo dheeraad ah loo yeelan lahaa iyo in Xasilooni siyaasadeed la muujiyo, lana xaliyo Khilaafka taagan.
Guddoomiyaha waxa uu xusay inay Labada Garab oggolaadeen in xal loo raadiyo Khilaafka, isla markaana laga fogaado wax kasta oo xasarad kale abuurayo, wuxuuna ugu baaqay Muwaadiniinta Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan dadaalka lagu doonayo in lagu xaliyo Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha oo saamayn xooggan ku yeeshay Golayaasha Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul-wasaraare C/weli Sheekh Axmed ayaa weli ka hadlin Aragtidooda ku aadan Dadaalka Guddoonka Barlamaanka Federalka, waxayna Xeeldheerayaasha muujiyeen inay Labada Hoggaamiye ku khasbanayn inay u dhega nuglaadaan Baaqaasi, maadaama uu weli jiro Loolankii Siyaasadeed.
Waa hubaal in Hoggaamiye kasta dareemayo Halbeegga Kalsoonidda ee uu ku dhex leeyahay Barlamaanka iyo Beesha Caalamka, laakiinse waxaa muhiim ah inay eegeen Danaha Qaranka iyo in Khilaafka xaal-mastuur iyo Dib-u-heshiisiin siyaasadeed lagu dhameeyo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

