Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo uu weli taagan yahay Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli ayaa waxaa dhanka kale laga deyrinaaya Ammaanka Magaalada Muqdisho oo noqday mid aan rajo laheyn.
Daahir Xasan Cabdi oo kamid ah Golaha Baarlamaanka DF Somalia, ayaa sheegay in Khilaafka Xassan iyo C/weli uu burburiyay Awoodaha laamaha Ammaanka, waxa uuna daboolka ka qaaday in Taliyayaasha Laamaha Ammaanka ay ku mashquulen Siyaasada.
Sidoo kale, Daahir Xasan Cabdi waxa uu Tilmaamay in Ammaanka Caasimada Muqdisho uu dib ugu laabanaayo sanadihii badnaa oo ay soo martay, waxa uuna ka digay in sidaa lagu fiirsado.
Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Xasan ayaa sheegay in Hay’addaha ku Shaqada leh Amaanka ee Dowladda Federaalka ay Dayacaad ku sameeyeen Amniga Caasimadda islamarkaana Khilaafka uu saameyn weyn ku yeeshay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

