“Khilaafka XASAN iyo Cabdi Weli waa dastuuri ee yaan si khaldan loo fasirin”

Garowe (Caasimada Online) – Dr Cali Yaasiin oo ka mid ah aqoonyahana Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay Khilaafka adag ee ka dhex aloolsan Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli sheekh axmed.

Waxa uu sheegay in Khilaafka ka dhexeeya Labada Mas’uul uu yahay mid dastuuri ah.

Dr Cali Yaasiin ayaa waxa uu sidoo kale Tilmaamay in Khilaafka uu yahay mid aan cusbeyn balse uu horay uga soo bilawday madaxdii dalka soo maray, waxaana saameynta ugu badan uu sheegay in shacabka uu ku yeelanaayo.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhibaatada soo dedejisa khilaafkaan ay kaalin ka qaadanayaa Dastuurka Dalka u yaala iyo sidoo kale dowladda oo hab qabiil lagu qeybsado.

”Hadii awoodaha DF lagu qeybiyo qabiil waxaa imaanaya in mar waliba uu taagnaado khilaafka, waana tan keentay inuu soo laalaabto khilaafka”

Awoodaha madaxweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha ayuu sheegay in dastuurka aanu si cad u kala cadeyneen arimaha ku aadan wasiirrada kala diristooda, isku shaandheyntooda iyo arimo kale.

”Khilaafka labada mas’uul waa mid uu ka dhashay dastuurka maadaama uusan ku cadeyn awoodaha qaar”

Dhanka kale, waxa uu ku baaqay in labada mas’uul ay ka shaqeeyaan aayaha dalka islamarkaana ay heshiiyaan si khilaafka uu meesha uga baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com