Xog: Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ku caawiyey ISIS dhallinyarada Muqdisho

Garowe (Caasimada Online) – War aan ka helnay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa sheegaya in Xukuumada ay ku jiraan Xubno si dadban xiligaani ula shaqeeyo Alqaacida.

Xildhibaanada oo ka gaabsaday magacyadooda ayaa sheegay in xubnahaasi ay iminka ku howlan yihiin in dhalinyaro farabadan kana diiwaan gishan Ururka Daacish ay qaab Siyaasadeesan daraaso ugu wadaan Dalka Ciraaq si ay halkaasi ay mariin ugu dhigtaan ku biirida Daacish.

Warar hoose ayaa sheegaya in DF ay qaab waxbarasho u direyso dhalinyaro badan kuwaasi oo fursado waxbarasho ka helay Dowlada Ciraaq balse waxa ay kamid yihiin kuwa dhawaan laga diiwaan galshay Saldhig weyn oo ku yaalla Muqdisho oo la sheegay inuu u furan yahay diiwaan galinta dhalinyarada dooneysa inay ku biiraan Ururka xagjirka ah ee Daacish.

Dhalinyarada oo iminka lagu wado Nidaam Fursad waxbarasho ayaa waxa ay xusul duub ugu jiraan sida ay dalka Ciraaq uga sii biiri lahaayen Daacish, inkastoo warar hoose ay tibaaxayaan in dhalinyaradaasi ay xiriir toos ah la sameeyan Saraakiil ka tirsan Daacish oo lagu wado inay kasii ambabixiyaan Caasimada Baqdaad una geeyan Xarumaha DF Somalia.

Dhanka kale, Dowlada Federaalka ayaa la sheegayaa in arintaasi aysan ku baraarugsaneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com