Meydka taliyihii ciidamada boliiska oo Nairobi loo qaaday iyo xog sheegeysa..

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow naga soo gaaray dhanka Taliska Boliska Somalia, ayaa sheegaya inuu socdo baaritaano adag oo ku aadan Geerida deg dega ah ee ku imaaday Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil.

Taliska ayaa sheegay in goor dhow Meydka Taliyaha loo duuliyay Magaalada Nairobi ee carida dalka Kenya, halkaasi oo ay sheegen in lagu soo baarayo geerida Taliyaha.

Taliska ayaa sidoo kale Tilmaamay in Ujeedka baaritaanka uu yahay mid lagu baarayo dawooyinkii ugu danbeeyay ee Taliyaha lagu duray, waxaana la tilmaamay in Taliska uu qaadi doono talaabo adag waa haddii dhakhaatiirta u xiran Geerida Taliyaha lagu heli wararka sheegaya in dawo loo adeegsaday dilka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil.

Alle ha u naxariistee Meydka Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh ayaa iminka la gaarsiiyay Nairobi waxaana la filayaa in saacadaha soo socda war laga soo saari doono sababta ka danbeysay geerida Taliyaha walow uu jiro shaki weyn oo laga muujinaayo Geerida.

Dhanka kale, Diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuunka ayaa waxaa la soo warinayaa inay raaceen Saraakiil isugu jira Soomaali iyo kuwa ka socda Taliska AMISOM iyo waliba Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Somalia oo goobjoog ka ahaan doono baaritaanka lagu sameynaayo Meydka.

Madaxda DF Somalia qaar kood ayaa aaminsan in Geerida Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheikh Xasan Cismaaciil ay sabab u tahay Sun dawada loogu daray ,kadibna uu u geeriyiiday,waana taas mida Sababtay in meydkiisa la qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com