Khilaafkii ka taagnaa 20-ka xildhibaan ee Ahlu-Sunna oo la xaliyey iyo beesha Ceyr oo tanaasushay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Calki Kheyre, hoggaanka Ahlu-Sunna iyo odayaasha beelo tabasho ka qabay xildhibaanada Ahlu-Sunna ayaa waxaa ka soo baxay is fahan hor dhac ah, sida ay xogta ku heshay Casimada Online.

Odayaasha beesha degta magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel ee Ceyr ayaa tabashada ugu badan ka qabay 20-ka xildhibaan oo ay soo xushay Ahlu-Sunna, kuwaas oo ay ku lahaayeen shan xildhibaan.

Kheyre oo Dhuusamareeb u tegay sidii uu u xalin lahaa khilaafka ka dhashay xildhibaanadii ay dowladdu u ogolaatay inay soo xusho Ahlu-Sunna ayaa odayaasha beeshaas ka dalbaday inay tanaasulaan oo Ahlu-Sunna u daayaan shantaas xildhibaan ama sabab ay u noqdaan horay u socod la’aanta dhismaha Galmudug.

Xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in odayaasha beesha Ceyr ay ogolaadeen dalabkii Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana Ahlu-Sunna u daayeen shan ka mid ah lix xildhibaan oo beeshaasi ay qoondo ahaan ku leedahay Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad, oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug laga soo doorto ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Waxaa is afgarad ku soo dhamaaday kulan galabta ku dhex maray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada labada Gole Barlamaanka Federaalka ku metala deegaanadaan iyo Odoyaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

“Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha, Xildhibaanada iyo Odoyaasha Dhaqanka oo si xilkasnimo leh isaga xilsaaray in meesha laga saaro madmadow ka dhashay xulista Xildhibaanada Galmudug.”

Markii ay odayaashu tanaasuleen, ayaa wasiirka arrimaha gudaha  waxa uu kulan iskugu yeeray odayaasha dhaqanka beelaha kale ee Galmudug oo uu u soo jeediyey inay joojiyaan tabashooyinka ay ka qabaan xildhibaanada ka yimid Ahlu-Sunna, isla markaana ay ku daydaan beesha Ceyr oo Ahlu-Sunna uga tanaasushay shan ka mid ah lix kursi oo ay ku lahaayeen baarlamaanka Galmudug.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo hoggaamiyaha Ahlu-Sunna ayaa la sheegay inay ku heshiiyeen qodobo ay ka mid yihiin in 20-ka Xildhibaan ee Ahlu-Sunna sidooda loo dhaafo codkoodana ay siiyaan musharaxa ay wadato dowladda, iyadoo xogta aan helnay ay sheegeyso in Ahlu-Sunna loo balan qaaday inay xukuumaddu kala shaqeyn doonto inay hesho guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug.