Khiyaanada ku duugan kacdoon beeleedka cusub ee uu wado FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si toos ah loo guda galay ololaha doorashada Soomaaliya, dib u dhac weyn ayaa hareeyey inuu dalka aado doorasho, wuxuuna dalka doorasho aadayaa iyadoo uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Muddo 1-sano iyo bar ah Farmaajo wuxuu si toos ah jihada uga luminayey mucaaradka kasoo horjeeda, maalin walba wuxuu iclaaminayey meel uusan u socon si mucaaradka ugu mashquulaan jidkaas xiran, isna uu danihiisa u qabsado.

Marar badan Farmaajo iyo kooxdiisa waa u shaqeysay aragtidaan been siyaasadeedka ah. Mid kamid ah waxyaabihii ugu yaabka badnaa waa 13-kii Senator ee been abuurka ahaa ee Gobolka Banaadir oo musharixiinta qaar ay ku ambadeen.

In la abuuro xaalad aan dhab aheyn waxay xukunka madaxweyne Farmaajo ka aheyd shantii sano ee lasoo dhaafay mashruuc weyn oo mu’alifiin leh.

Marar badan ayey shaqeysay arrintaan, wuxuu Farmaajo ka faa’iiday waqti dheereysi, in mucaaradka la daaliyo, dhaqaale ahaan loo jabiyo, in maamulada aad u kala fogaadaan iyo in shacabku dooq wareeraan.

Hadda Farmaajo iyo kooxdiisa waxay bilaabeen aragti la rabo in lagu mashquuliyo mucaaradka, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo magaalada Muqdisho, laguna abuuro naceyb Beeleed si codadka Koonfur Galbeed ugu qasbanaadaan dhanka Farmaajo.

Arrintaan waa in suuqa la geliyo sheeko ah in guddoomiyaha Golaha Shacabka la siiyo reer Muqdisho.

Inkastoo aysan jirin nooc saami qeybsi ah oo xilalka sare waafaqsan oo ay Soomaalida ku heshiisay ama dastuurka ku qoran, haddana dadka siyaasadda Farmaajo iyo Fahad la socda waxay fahamsan yihiin in ujeedku yahay in mucaaradka kasoo jeeda magaalada Muqdisho inay si xanaf leh u duraan dadka reer Koonfur Galbeed, kadibna la abuuro cadaawad la gelinayo dhallinyarada ku cusub Baarlamaanka ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, iyadoo loo tusayo in cidda diidan tahay reer Muqdisho.

Dhowr jeer ayey kooxda madaxweyne Farmaajo u martay dabino siyaasadeed oo noocaan ah.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay bilowday doodo shaki gelinaya inuu Farmaajo dib u dhismi karo, doodahaan qaar waxaa wada xildhibaanada ku cusub Baarlamaanka, laakiin si doodaan loo daciifiyo ama suuqa looga saaro waxaa hadda la abuuray dood beeleed oo la rabo in lagu kala dilo Muqdisho iyo Baydhaba.

In siyaasiyiinta kasoo jeedo magaalada Muqdisho dhab u qaataan oo si taban uga falceliyaan ayaa loo arkaa inay Farmaajo u leexin karto xildhibaanada siyaasadda ku cusub oo ay ku adag tahay inay aqriyaan biyo dhaca qorshahaan ayey leeyihiin dadka siyaasadda Soomaaliya ka faallooda.

Dadka waaqiciga ah badankood waa fahamsan yihiin inay adag tahay inuu Farmaajo isaga is dhiso oo uu Fahad Yaasiin dhiso oo uu saami qeybsiga dalkana badalo, laakiin ujeedka ugu weyn ee mashruucaan waa in la abuuro caadifad reer Koonfur Galbeed ah oo Farmaajo u soo leexin karta codadka maamulkaas.

Dhinaca kale marka laga istaago, ma jiro qabiil Soomaaliyeed oo 10 Xildhibaan leh oo xataa tobankooda oo mideysan miiska keeni kara, siyaasadda Soomaaliya-na sida hadda sheekada loo dhigayo oo ah beelo heshiinaya uma sameysna.

Dadku waa kala dan, waa kala aragti, waana kala kooxo, balse waxaa la eegayaa sida ay mucaaradka u gartaan dabinkaan cusub.

Illaa 7 qof oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa u sharaxan xilka guddoomiyaha golaha Shacabka, Laftagareen iyo Farmaajo waa la socdaan taas, laakiin ujeedku maahan isbadalka xilalka sare ee waa in la helo dareenka xildhibaanada reer Koonfur Galbeed oo wada Farmaajo ah, lamana yaqaano in taas lagu guuleysan karo waqtigaan.