Khiyaano ku jirtay heshiiskii qaadka ee FARMAAJO iyo Itoobiya oo hadda laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyey markii la shaaciyey in dib loo fasaxayo qaadkii Kenya ay u soo dhoofi jirtay Soomaaliya, waxaa cirka isku shareertay hadalheynta nooca ganacsi ee dhex mari doona Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Shaafici Yuusuf oo iska leh shirkad ka shaqeysa dhoofinta Kalluunka Soomaaliya ayaa soo bandhigay xog ku saabsan heshiiskii ay dowladdii Farmaajo la gashay Itoobiya eek u saabsanaa Qaadka.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Qaadka ee Farmaajo uu la galay Itoobiya uu ku dhisnaa been iyo naas nuujin, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed la siray oo loo sheegay in Itoobiya loo dhoofi doono kulluunka dalkeena.

“Si shacabka looga jeediyo heshiiskii dowladda Farmaajo iyo Itoobiya, waa nala siray, waxaana maalintii koowaad la dhoofiyey kartoomo maran oo kalluun uusan ku jirin, adduunka kama dhicin masuul dalkiisa khiyaamaya, waa la weydii karaa wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee garoonka joogtay maalintaas,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Prof. Shaafici Yuusuf oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in shirkadiisa ay shati kallun dhoofin ah ka heshay dowladda Itioobiya, balse Xasan Farmaajo oo madaxweynihii hore ay walaalo ahaayeen uu ka hor istaagay in kalluunka Soomaaliya loo iib geeyo Itoobiya.

“Dowladii Farmaajo waxay nagu tiri hadda kadib Itoobiya ayaa idinka qaadaneysa kalluunka, laakiin waxay noqotay been, waxaan ahaa qofka kaliya ee shati kalluun dhoofin ah ka heystay dowladda Itoobiya, balse waxaa naga hor istaagay Xasan Farmaajo oo lagu naaf nuujiyey heshiiskii qaadka ee Itoobiya, isagoo u daneynaya dowladaas qaadka u soo dhoofineysay dalkeena,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Wuxuu ka digay in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay soo dhoofinta qaadka Kenya u maareyso si la mid ah tii Farmaajo, isagoo soo jeediyey in ganacsada qaar aan loo xirin soo dhoofinta Qaadka Kenya.

Prof. Shaafici ayaa sababta uu Xasan Farmaajo uga hor istaagay shirkadiisa inay dhoofiso kalluunka Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay in labada shirkadood ee qaadka Itoobiya keeneysay Soomaaliya uu Xasan ku lahaa 30%, “Shirkadahaas Itoobiya ma heysan shati kallun dhoofin ah, marka wuxuu diidanaa in shirkad 3-aad ay soo gasho ganacsigaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Professorka ayaa soo jeediyey in hadii aan dalka laga mamnuuci karin qaadka ay dowladu ka fekerto in lagu beero gudaha Soomaaliya, si dalka ay ugu baaqto lacagta tirada badan ee maalin kasta qaadka looga soo iibiyo dal kale.

Sidoo kale Prof. Shaafici Yuusuf wuxuu dowladda Soomaaliya ku adkeeyey in heshiiskaas ay xoog saarto inuu ka dhaqan galo dhinaca Kenya.

“Hadii ay ganacsatada Soomaaliyeed ay Kenya u dhoofiyaan Kulluunka waxay fursad u helayaan inay u sii gudbiyaan dalalka deriska la ah oo aan bad laheyn, sida Uganda, waxayna Soomaalidu ka heli doontaa macaash badan,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Hoos ka daawo wareysiga