Kiisas dacwado ah oo buux dhaafiyay xafiiska ra’isul wasaare Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa sheegaya in Xafiiskiisa ay buux dhaafiyeen kiisas dacwado ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in kiisaska ugu badan ee iminka horyaal Ra’isul wasaare Kheyre ay yihiin kuwo la xiriira dacwado ay is dhaafsanayaan Wasiiro iyo Agaasimayaal ay ka dhexeyso wada shaqeyn.

Dacwada ugu badan ayaa waxaa Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre u gudbiyay Wasiiro iyagu ku fashilmay xil ka qaadis ay ku sameeyen Agaasimayaasha Wasaaradahooda.

Dacwadaha qaar ayaa waxaa sidoo kale ku saxiixan Agaasimayaal guud iyo Agaasime waaxyo oo iyagu ka cabanaaya Wasiiro ay kala kulmeen faquuq siyaasadeed iyo is riix-riix qabiil, sida aan xogta ku helnay.

Dacwadaha yaal Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre ayaa kor u dhaafaya ilaa Lix dacwadood oo gabi ahaan salka ku haya Khilaaf ka dhextaagan Wasiiro iyo Agaasimayaal.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa waxaa horyaal caqabado dhowr ah, waxaana cirka kusii shareeray Dacwadaha cusub ee ka dhex aloosan Wasiirada iyo Agaasimayaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Kheyre ayaa looga fadhiyaa inuu go’aan cad ka gaaro Dacwadaha horyaal oo qaarkood u muuqda kuwo ay isugu jawaabayaan Wasiirada kala heebta ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com