Kiisaska cudurka COVID-19 ee Somaliland oo gaaray 800

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaarada caafimaadka Somaliland ayaa markale shaacisay kiisas cusub oo la xiriira cudurka Coronavirus, xili uu u muuqdo mid si qunyar ah ugu sii fidaya deegaanada Somaliland.

Wasaarada ayaa warbixinta maalinlaha ee cudurkaasi la xiriirta ku sheegtay in 3-qof oo cusub laga helay Covid-19, kuwaasi oo kasoo dhex baxay dad laga baaray cudurkaasi.

Warbixinta wasaarada ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dadkaasi ay ku kala sugan yihiin gobolada Maroodijeex iyo Saaxil, isla markaana ah muwaadiniin reer Somaliland oo da’doodu u dhaxeyso 30 ilaa 40-jir.

Cudurka Koronaha ayaa si aayar-aayar ah ugu faafaya gudaha Somaliland, xili ay xukuumada Muuse Biixi ay sheegtay inay hoos u dhacday khatarta cudurkaasi ee Somaliland, iyada oo markii hore ay wasaaraduna shaaci jirtay maalinkasta dad ka badan 10-qof.

Tirada guud ee kiisaska Koronaha ee Somaliland ayaa gaartay 819-qof, halka ay u dhinteen 29-qof, iyada oo karantiilkana ay ku jiraan saddex qof oo kaliya.