Somaliland oo sheegtay inay qeyb ka noqoneyso dhex-dhexadinta Itoobiya & Masar

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay shaacisay inay qeyb ka noqoneyso dadaalada lagu rabo in lagu soo afjaro xiisada ka dhaxeysa Itoobiya iyo Masar ee webiga Nile-ka.

Somaliland ayaa sheegtay inay Itoobiya iyo Masar la leedahay xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsan, isla markaasna ay midaasi u saamaxeyso inay qeyb ka noqoto daminta xiisadaasi oo muddooyinkii dambe sii xoogeysatay.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibedda Somaliland ayaa isagu si cad u sheegay rabitaanka Somaliland ee ku aadan dhex-dhexaadinta labadaasi dowladood, xili ay dhawaan xiriir diblumaasiyadeed oo adag la sameysatay Masar.

Wasiirka ayaa ka dhawaajiyey in Somaliland ay qeyb ka qaadan karto dhex-dhexaadinta xiisada biyo-xireenka, maadama uu ku doodayo in labada dhinac uu xiriir diblumaasiyadeed oo wanaagsani kala dhaxeeyo.

Wafdi ka socda dowladda Masar ayaa dhawaan socdaal ku tagay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaadatay madaxda ugu sareysay xukuumada Somaliland, oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi.

Safarka wafdigaasi ayaa la rumeysan yahay inuu abuuray xiisad kale, iyada oo ay taagan tahay tii biyo-xireenku, maadama ay Itoobiya xasaasiyad gaar ah ka qabto dhaq-dhaqaaqa Masar ee gobolka.

Waxaana xusid mudan iyaduna in dadaalo badan oo la rabay in lagu xaliyo xiisada biyo-xireenka ay kusoo dhamaadeen fashil, mana cada sida ay Somaliland qeyb uga noqon karto dhex-dhexaadinta xiisadaasi, iyada oo aan haysan aqoonsi caalami ah.