Muse Biixi oo qorshe cusub ku wajahaya xiisadda culus ee ka taagan Somaliland

Hargeysa (Caasimad Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa bilaabaya qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybiga oo ka taagan gudaha Somaliland, kadib markii ay fashilmeen dadaalo uu ku qancinayay madax dhaqameedka.

Madaxweynaha iyo xisbiyda mucaaridka Somaliland ayaa iyagu ku heshiiyay in xiligan doorashooyinka Somaliland lagu galo saami-qeybsigii hore ee 2005-tii, xili taasi badalkeed ay qabaan qaar kamid ah beelaha dega Somaliland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Muuse Biixi ayaa ku howlan qorshe cusub oo uu ku wajahayo xiisada saami-qeybsiga oo guux badan ka dhalisay Somaliland, isla markaana uu si qasab ah ugu jiidhsiinayo beelaha qaadacay arrinkaasi.

Muuse Biixi ayaa lagu wadaa inuu maanta dalab culus u gudbiyo maxkamadda Dastuuriga ah ee Somaliland, kaasi oo uga dan leeyahay inay ayido go’aankii xisbiyada ee ahaa in Somaliland ka dhacdo doorasho lagu saleynayo saami-qeybsigii hore.

Biixi ayaa qorshahan door biday kadib markii wax natiijo ah ka soo bixi weyday kulamo uu la qaatay odayaasha dhaqanka oo isaga iyo xisbiyada mucaaridku ugu qancinayeen in doorashooyinka lagu galo tirakoob la’aan cusub, iyada oo la raacayo saami-qeybsigii hore ee doorashooyinka.

Inkasta oo aan si dhab ah loo sheegi karin jawaabta maxkamadda ee ku aadan dalabka madaxweyne Muuse Biixi, haddana waxa suurtagal ah in maxkamaddu ay qeyb ka qaadato rabitaanka madaxweynaha iyo xisbiyada ee saami-qeybsiga.

Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay waxa laga dareemayay xiisada ka taagan arrinka saami-qeybsiga, iyada oo ay beelo ka tirsan ay qaadaceen ka qeyb-galka doorashada, maadama ay ku doodayaan in aan dhag-jalaq loo siin rabitaankooda ku aadan saami-qeybsi loo dhan-yahay.