Maxay tahay faa’iidada Somaliland ugu jirta xiriirka ay la sameysatay Taiwan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa faah faahisay xiriirka dhSomaliland iyo Taiwan iyo faa’iidada ugu jirta ka maamul ahaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in xiriirka cusub ee labada dhinac ay fursad weyn ugu jirto Somaliland iyo Taiwan oo uu tilmaamay inuu ka jiro maamul horumaray oo ay wax badan ka faa’idi doonaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xiriirka labada maamul uu soo bilaabmay muddo hore, kana soo bilowday arrimaha caafimaadka iyo waxbarashada.

“Waxaan rumaysan nahay in ay jirto fursad weyn oo labada dalba faa’iido ugu jirto. Taiwan waa dal horumaray oo ka faa’iidaysan kara bogcada muhiimka ah ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku taallo, taasi oo kadin ama marin u ah dalalka aan badda lahayn ee Afrika” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dhanka kale wasiir Liibaan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Somaliland ay leedahay kheyraad fara badan, sida Kalluunka, Xoolaha Nool, noocyada macdanta iyo shidaalka, isaga oo tilmaamay in fursadaasi ay ka faa’ideysan karaan maalgashadeyaasha Taiwan.

“Waxa kale oo ay Somaliland leedahay khayraad dihin oo aan ciddi taaban oo ay ka mid yihiin Kalluumaysiga, Xoolaha nool iyo noocyada kala duwan ee macdanta iyo shiidaalka.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba ha’ahaatee Somaliland iyo Taiwan ayaa 1-dii bishan July isku raacay inay is-dhaafsadaan wakiillo, waxayna kadib ay magacaabeen wax ay ugu yeereen safiirro.