Kiiska Cabdirisaaq Cumar iyo hay’adda NISA oo laba weji midkood yeelan kara

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa iyo shalay waxaa saxaafadda haystay muran musuq maasuq oo u dhexeeya hoggaanka NISA iyo xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, oo horena u soo noqday wasiirkii amniga ee dowladda Federal-ka.

NISA ayaa ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka in ay hakisay qandaraasyo MALAAYIIN dollar ahaa oo la siiyey shirkado oo uu saxiixooda lahaa Wasiirkii hore ee Amniga.

Hase ahaatee, waxaa durba falcelin, is difaac iyo weerar soo qaaday xildhibaan C/risaaq Cumar oo xataa qabtay shir jaraa’id isaga oo ku tilmaamay in ay arrimahani yihiin sumcad dil loola dan leeyahay.

NISA, waxa ay sheegtay in kiiska ay u gudbisay hanti-dhowrka, si ay baartitaan u sameeyaan, halka wasiirkii hore uu isna sheegay in qandaraasyadu jiraan balse wasaaradda maaliyaddu saxiixday.

Hadaba, maxaa ka dhalan kara kiiskan, wejiyo nooce ah ayuuse yeelan karaa?

Kiiskan waxa uu noqon doonaa laba midkood.

1 – In dowladda sumcadeedu kor ugu kacdo oo dagaalka ay kula jirto musuq maasuqa bulshada ugu muuqdo mid SAX ah

2 – In dowladda ku ceebowdo, oo ay ka noqoto arrimo siyaasadeed oo ay ku beegsaneyso siyaasiyiinya ka soo horjeeda.

Midda kowoaad: Haddii ay dowladda kiiskan si qotodheer u baarto, la wadaagto bulshada qodobada iyo meelaha ay wax isdaba marinta ka jiraan, xasaanadda laga qaado xildhibaanka, kaddibna xabsiga loo taxaabo – halkaas waxaa cirka ku gali doona sumcadda dowladda ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Waxa ay heli doontaa kalsoonida shacabka iyo midda beesha caalamka halka ay godkooda biyaha ugu gali doonaa siyaasiyiintii hore ee ku kacay falalka musuq musuqa, sidoo kale waxa ay digniin u noqon doonaa kuwa hadda xilka haya.

Midda labaad: Haddii kiiskan noqon waayo mid sii socda oo halkaas looga haro, waxaa muuqan doonta in sheekada la dagaalanka musuqa ee dowladda ay tahay AWR KU KACSI iyo beegsiga shaqsiyaad iyo siyaasiyiin gaar ah.

Shirka jaraa’id ee uu qabtay Wasirkii hore ee amniga, Cabdirisaq Cumar waxa uu sheegay in tallaaban ay ka dambeyso beegsiga siyaasiyiinta dowladda ka afkaarta duwan ee uu ka midka yahay. Haddiii ay taasi dhacdo, bulsada kuma aamin qabi doonaan dolwadda.

Waxaa sidoo kale arrintan sii xumayanay ayadoo xisaabiyaha guud ee dowladda, ay wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ku eedeysay in musuq maasuq xooggan uu ka jiro xafiiskiisa.

Middii ay ahaataba, dowladda waxaa looga fadhiyaa caddeymo buuxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com