Wasiir C/risaaq oo eedii NISA ku leexiyay Fargeeti

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa joojisay qandaraas lacag badan lagu qaatay oo uu bixiyay wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed. Nisa waxaa ay sidoo kale sheegtay in arrintaan ay ugudbisay Hanti Dhowrka Qaranka si loo baaro.

Kiiskaan ayaa jiitamayay bilihii lasoo dhaafay. Xiriir aan la sameynay NISA iyo baaris madaxbanaan ayaan ku ogaanay in shirkada la siiyay qandaraaska iney saami ku lee yihiin wasiir Cabdirisaaq iyo seedigiis.

Si walbaba, wasiirkii hore ee Amniga oo shalay warbaahint kula hadlay Muqdisho ayaa qiray jiritaanka Qandaraaskan ,wuxuu kaloo qirtay inuu isagu saxiixay balse wuxuu ku dooday in cida Qandaraaska bixisay aaney isaga aheyn.

Wuxuu sheegay in heshiiskan ay kasoo shaqeysay oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyada oo xiligaas uu maamulay Maxamed Ibraahim Fargeeti, kaas oo hada ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hada ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in wixii heshiiskaas ka qaldan iyo sida uu ansax ku yahay in ay muhiim tahay in la weydiiyo wasiirkii hore ee maaliyada Fargeeti.

Jiritaanka arrintan ayaa Hanti Dhowrka Qaranka ku qasbi doonta in dib loo baaro qandaraasyo badan oo la bixiyay xiligii dowladii Xasan Sheekh.

Xildhibaan Cabdirisaaq wuxuu ku dooday in arrintani ay tahay dagaal siyaasadeed isagoo daliilsanaya in eedu ay soo daahday ,laakiin sida caadiga ah baaritaanadda noocan ah waxey qaataan waqti dheer, taasoo meesha ka saareysa qiil ka dhigashada maxaa xili hore la iisoo eedeyn waayay.

Lama yaqaano waxa uu arrintaan kaga jawaabi doono Maxamed Ibraahin Fargeeti, waxaase muuqata in kiisku uu darfo badan yeeshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com