Guddiga doorashada K/G oo kala cadeeyey in Villa Somalia ay faro-gelin ku heyso iyo in kale (Aqri)

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo Villa Somalia lagu eedeyey inay faragelin ku heyso Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa arrintaas ka hadlay qaar ka tirsan Guddiga Doorashada Maamulkaas.

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ku eedeeyey Dowladda Dhexe inay faragelin qaawan ku heyso Doorashada Maamulkaas isla markaasna ay arrintaas tahay mid ka baxsan Dastuurka Dalka u yaal.

Xildhibaan Maxamed Nuur Sheekh Cadde oo kamid ah Guddiga doorashooyinka maamulkaasi ayaa xusay doorashada ay ku qabsoomaysa xiligii loogu talagalay, islamarkaana aysan ku imaan doonin wax dib udhac.

Mr Nuur ayaa hoosta ka xariiqay inaanu jirin faragelin ay ka walaacsan yihiin inay doorashada ku sameyaneyso madaxtooyadda dalka xili ay caasimad goboleedka Baay ay udirtay labo murashax oo ay iyadda wadato.

Murashaxiinta ayaa kala ah; Wasiirta Tamarta, mudane Laf-gareen iyo waliba Taliyahii hore ee sirdoonka Soomaaliya Xuseen Calool-kuus, kuwaasi oo dhowaan ku kulmay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.

“Maya, ma jirto faragelin aan ka walwalsanahay oo ay dowladda Federaalka ama [Villa Somalia] ay nagu hayso,” ayuu ku jawabaay Xilldhibaan Maxamed Nuur markii la waydiiyay hadii ay jirto eedaynta dowlada loo jeedinayo.

Doorashada ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah uqabsoonto 17-ka bishaan November, waxaana magaalada Baydhabo laga dareemayaan diyaar-garowgii ugu dambeeyay oo ay wadaan Murashaxiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com