Wasiir xukuumada Kheyre ka tirsan oo is-casilay

Baydhabo (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegayo inuu is casilay wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Wasiirka is casilay oo u sharaxan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shuruud looga dhigay inuu marka hore xilkiisa iska casilo.

Lafta gareen ayaa sheegay in Maanta oo ay taariikhdu tahay 5/11/2018 uu iska casilay xilka wasiirnimo ee uu ka haayay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,isaga u taagan xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Aniga oo ticraacaya shuruudihii ay soo saareen guddiga doorashooyinka koonfur Galbeed ee ahaa in qof xihaayo uusan tartami Karin ayaa sidaasi isku casilay,waxan u mahad celinayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xilkaan horay iigu dhiibay iyo dadkii aan isla soo Shaqeynay ayuu yiri Laftagareen.

Cabdi Casaiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa hoiray u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana xilligaa suu iska casilay xilka wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga,isla markaana uu waayay xilkii uu u tartamay waxaana intaasi kaidb loo Magacaabay Wasiirka Tamarta  Biyaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Lafta Gareen ayaa kamid ah Musharixiinta loo saadaalinayo Koonfur Galbeed, waxaana la isla dhex marayaa inuu garab weyn ka helayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka iscasilay